MW Xasan Sheekhow SHANTAAN arrimood dalka & Dadka ka shaafi!

0

(Hadalsame) 16 Nof 2023 – MW Somalia Xasan Sh ayaa haatan ku sugan dalka yar ee Burundi oo uu kula kulmayo dhiggiisa dalkaasi Burundi, Evariste Ndayishimiye, kaddib safarro kale oo uu kusoo maray Imaaraadka & Sucuudiga.

Yeelkeede, MW Somalia oo 15-kii Maajo 2022-kii oo markii 2-aad lagu dhex doortay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayay dad badani dhaliil u jeediyeen siyaasaddiisa gudaha iyo tan dibedda oo ku wareegaalaysata dhowr jiiro oo isu eg, balse aan xiise badan lahayn.

Haddaba, ilaa 5 arrimood ayaa ila habboon inuu ku dhaqaaqo si uu boorka uga jafo siyaasaddiisa islamarkaana usoo jiito taageero iyo xamaasad cusub:

1 – MW iska daa safarrada bilaa micnaha ah ee isu qaabka ah ee aan wax wayn soo kordhinaynin ee aad ku tagto dalal dhowr ah oo aad qaarkood marar badan ku noqotay.

2 – Furfur siyaasaddaada oo Xukuumaddaada u ergee awoodaha ay xaqa u leedahay si ay howshooda u qabsadaan Madaxa Xukuumadda (RW) iyo Wasiirradiisa oo aad howlohoodii inta badan adigu qabanayso, weliba xilligan oo sida muuqata aad dhaawacan tahay kaddib qalliinka la sheegay in garabka lagaaga sameeyey. Haddii kale waxay taasi kaa bixinaysaa sawir aad u khaldan, waxayna keenaysaa in la saluugo qaabka aad wax u waddo.

3 – Dib ugu laabo xayndaabkaaga hoose iyo dadka kuu ah ”asxaab siyaasadeed” ma yihiin dad aad mabda’ wadaagtaan oo howlaha ku hor yaalla kula riixaya mise waa dad aad dan uun wadaagtaan?

4 – Xalli khilaafyada siyaasadeed ee ku hor yaalla oo ha sugin inay kaligood iska raystaan ama kala raystaan, taasoo ah isla qaabkii uu xilkiisii ku waayey MW adiga kaa horreeyey ee Farmaajo oo khilaafyada iyo arrimaha adag ee soo kordha ku wajihi jirey inuu ka aamuso, halkii uu ka xallin lahaa.

5 – La heshii Maamulka Puntland oo wixii dhaliil ah oo ay kuu qabaan la qaadaa dhig ugana garow, waayo waa gobol miisaan leh oo muhim ah sida gobol kasta oo kale oo dalka ka mid ah. Wixii dhaliil ah oo iyaga loo qabana dhegohooda ku dhibci, sida diidmada wax kasta oo ay samayso DF Somalia oo aan ahayn siyaasad cidna wax u taraysa.

Madaxwayne, arrimahan ugu dhaqaaq sida ugu dhaqsiyaha badan, si aad dhinaca kale ugu geddiso siyaasadda aad dubayso oo haatan hal dhinac kasii gubanaysa.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media