”Hanugu casuumina dagaalka Israel!” – Iran oo Xamaas codsi yaab leh u jeedisey (War lama filaan ah)

0

(Tehraan) 16 Nof 2023 – Ayatollah Ali Khamenei, hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay madaxa Xamaas ee Ismail Haniyeh in Tehraan aysan si toos ah ugu lug yeelan doonin dagaalka ay kooxdani kula jirto Israel oo looga yaabiyey weerarradii 7-dii Oktoobar.

Khamenei iyo Haniyeh ayaa ka wada hadlay dagaalka intii lagu guda jirey kulan fool ka fool ah oo ay ku yeesheen Tehraan, sida ay Reuters sheegtay Arbacadii, iyadoo soo xiganeysa saraakiil sare oo Iran iyo Xamaas ah oo si toos ah wax uga ogaa wada hadallada.

Sidoo kale aqri: Maraykanka oo kashifay in Iran ay dagaalka Qasa u wajahayso qaab ”qawda maqashii ah” (Qorshaha ay dejisey?)

Iran, oo aan horay loogu sii digin in la qaadayo duullaanka Xamaas ee lagu diley dad lagu qiyaasay 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, ayaa Xamaas u sheegtay inay kaliya soo geli doonto dagaalka haddii ay soo weerarto Israa’iil ama Maraykanka, sida lagu sheegay warbixinta.

Haatan se, ku lug lahaanshaha Iran ee dagaalku waxay ku koobnaan doontaa taageero siyaasadeed iyo mid niyadeed, sida ay sheegeen saraakiishan oo magacooda qariyey.

Khamenei waxa uu xitaa Haniyeh ku amray in uu aamusiyo madaxda Xamaas ee ugu baaqaysa Iran iyo xulafadeeda Lubnaan ee Xisbullaah inay si buuxda ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Israa’iil.

Warkan ayaa imanaya xilli ay horay warbaahinta Galbeedku u faafiyeen in Tehraan aysan doonayn dagaal toos ah oo ay xilligan la gasho Israel, sida uu sheegay hilinka CNN.

Hadalsame Media