Maxkamadda Sare ee UK oo soo saartay go’aan ka farxiyey dadka tahriibka ku yimid (Wiil Soomaali ah oo ka hadlay kiiska Rwanda)

0

(London) 16 Nof 2023 – Maxkamadda Sare ee UK ayaa soo saartay go’aan ka farxiyey magangalyo doon tiro badan oo dalkaas ku nool kana galay kanaalka xiririya UK iyo Faransiiska, kaas oo sharci darro ku sheegtay sharci ay dowladda UK ku doonasaysay qaxootiga inay ku geeyaan dalka Rwanda.

Ra’iisul wasaaraha UK Rishi Sunak oo la hadlay baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay inay samayn doonaan heshiis cusub oo lala galo Rwanda.

Waxaa jira muhaajiriin badan oo ay Soomaali ku jiraan, kuwaasoo soo mara kanaalkaas.

Xasan Cali Nadaara ayaa ka mid dadka Soomaalida ee sida weyn u soo dhaweeyey go’aanka Maxkamadda Sare ee UK maaddaama uu ka mid ahaa magan galyo doonka ee UK ka galay kanaalka isku xira Faransiiska iyo Ingiriiska.

Nadaara wuxuu BBC-da u sheegay in uu khataro badan kala kulmay safarkiisii Yurub, isagoo maray badda u dhaxaysa Turkiga iyo Giriigga, halkaas oo ku waayey saaxiibbo badan oo ay isla socdeen oo ku qarqoomay badda mediterranean-ka.

‘’Wuxuu ahaa safar aan u bareeray oo khatar lahaa, waxaan xasuustaa in doomo ay la socdeen saaxiibbaday ay ku dhinteen ilaa haddana markaan xasuusto waa mid murrugo igu noqota,” ayuu yiri Nadaara.

Wuxuu kaloo sii galay safar tahriib ah oo ku maray ilaa shan dal oo Yurub ah kuwaas oo uu ku sheegay in mid kasta oo ka mida uu lahaa halis loo geeriyoon karay balse aakhirkii wuxuu gaaray dalka Faransiiska.

Safarkiisa Tahriibka ee UK

Xasan wuxuu tilmaamay inuusan ku qancin inuu sii joogo Faransiiska, wuxuuna go’aansaday inuu sii maro kanaalka Ingiriiska, kaas sida uu sheegay in aanu waxba dhaamin marka la eego halistiisa kuwii uu soo maray.

Isagoo ka hadlay marxaladdii bilowga safarkiisa ku wajahnaa UK wuxuu xusay in doon yar oo ka samaysa bac uu ka raacay magaalo xeebeedka Calais ee dalka Faransiiska isago 55 qof oo kale.

“Waxaan Soomaali ka ahayn lix ruux halka 49 kale ay ajaaniib ahaayeen, waxaana howsheenna waday niman mukhalasiin ah oo u badan ajaaniib ka shaqaysta howshan, lacagta lagu raacayey doonta way kala duwanaayeen iyadoo ku xirnayd hadba heshiiskaaga waxayna u dhaxaysay 1,300 ilaa 1,500 oo yuuro ah,” ayuu yiri Nadaara.

Wuxuu xusay in safarkoodii uu la kulmay khatar hor leh ka dib markii doontii yarayd ay la socdeen ka hallowday jihadii ayna ku qaadatay in ka badan lix saacadood safarkooda markaasna ay la xiriireen ciidamada ilaalada xeebaha ee UK, intaas ka dibna ay gaaraan magaalada Dover oo ku taal kanaalka Ingiriiska.

“Waxaa nala geeyey kaam dadka lagu qaabilayey si an magangalyo u waydiisanno dowladda UK halkaas oo qofkasta looga qaaday waraysi ka dibna waxaa dadka loo kala qaadayey gobollo kala duwan,” ayuu intaas sii raaciyey.

Welwelkii ka haystay sharciga celinta qaxootiga ee UK

SAFARKII TAHRIIBTA EE XASAN, UK
Xasan Cali Nadaara

Xasan ayaa sheegay in intii uusan ka tagin Faransiiska uu ka welwelsanaa sharciga UK ee ku saabsanaa in dadka ka gudba Kanaalka lagu celinayo Rwanda balse ay u ahayd khatar kale oo uu u bareeray.

‘’Aniga iyo dadkii kale ee an wada soconnay ee Soomalida ahaa waxay nagu ahayd utun nagu taagnayd, sababtoo ah waxay nagu ahayd dhibaato inaan la kulanno celin, annagoo marnay safarro halis lahaa ilaa aan gaarnay UK, marka waxaan talo saarsanayn Alle,” ayuu Xasan u sheegay BBC-da.

Wuxuu sheegay in walwalkaasi uu hayey xitaa markii uu ku sugnaa Faransiiska inuu la kulmi doono dhibtaado haddii sharcigaas uu dhaqan galo oo dowladdu ku guulaysato.

Siduu u arko go,aanka Maxkamadda Sare ee UK

Xasan hadda wuxuu ku nool yahay UK ka dib magangalyo uu waydiistay dowladda, isagoo sheegay inuu filayo inuu helo nolol dhaanta tii ugu soo hayaamay dalkiisa.

“Go,aanka Maxkamadda UK waxay ahayd mid aniga iyo qofkasta oo ka soo gudbay Kanaalka Ingiriiska u ahayd farxad in dowladda laga hor istaago inay dadkaas ku celiso Rwanda” ayuu BBC-da u sheegay.

‘’Ilaa maalintii aan imi UK waxay igu ahayd nabar igu tagan waxaa uu noqon doono sharcigaas in dadka dib loogu celiyo Afrika kaliya waxaa ku tilmaami karaa waali waayo waxaan niyad kab in riyadeydii la lumiyo” ayuu xusay.

“Waxay ii ahayd farxad go,aanka maxkamadda iyo midaan rajaynayey in dowladda laga hor istaago in dadka magangalyo doonkaa ee an ka mid ahay dib loo celiyo”

Waa kuma Xasan?

NOLOSHII XASAN NADAARA

XIGASHADA SAWIRKA,XASAN CALI NADAARA

Qoraalka sawirka,Xilligii Xasan ku jiray waxbarashada magaalada Cadaaddo

Xasan Cali Xasan wuxuu dabayaaqadii sanadkii 1997 ku dhashay degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaaas oo waxbarashadiisa hoose uu ku qaatay.

Isagoo da’yar ayuu sheegay in qoyskiisa ay ka carareen markii deegaankaas ay la wareegeen ururka al-Shabaab.

‘’Waxaan ka cabsanayey iney askari iga dhigtaan waxaan u cararay gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Cadaado halkaas oo nolol an iskorinayey ka bilabaay maadaama aysan cidi ehel ah ii joogin waxaa daruuftku igu kaliftay inaan raadsado daasad caano boore si an caseeya ama baalashle u noqdo oo an noloshayda u maareeyo markasta waxay noloshaas igu leedahay xasuusa farxaded iyo mid murugo labadaba,” ayuu yiri Xasan.

Wuxuu intaa ku daray inuu jeclaa waxbarashada oo isku watay xoogsiga sidaasna uu kaga baxay dugsi sare markii danbana uu saxaafada ku biiray.

‘’Waxaan ka shaqo bilaabay idaacad ku taala Cadaado oo la yiraahdo idaacada codka gobolada dhexe ka dibna waxaan sii watay horumarinta noloshayda iyo xirfaydayda. Waxaan ku laabtay gobolkaygii Bakool si an duruufta ku sugnaayen dadka an warbixinno ka sameeyo waxaana la kulmay culaysyo ammaan waana ka soo baxay dalka anigoo amaankayga u soo cararay ilaa an yurub tagay,” ayu intaas raaciyey Xasan.

Xasan wuxuu sheegay in uu ka soo jeedo qoys danyar ahaa taas ay ku kalliftay in xaalado adag oo noloshaa uu soo maray.

BBC

Hadalsame Media