Brazil oo la isku haysto xukun uu wax ka ridey kombiyuutar ku shaqaynaya ”Caqli Macmal ah” (AI)

0

(Sao Paolo) 15 Nof 2023 – Garsoore federaali ah oo u dhashay Brazil oo ku sugan gobolka Acre ee woqooyiga ayaa lagu amray inuu sharraxo sida uu ku yimid inuu daabaco go’aan khalad ah oo uu wax ka qoray AI chatbot ChatGPT oo ah kiis noociisa ah oo midkii ugu horreeyey ee dalkaa laga diiwaangeliyo, sida mas’uuliyiintu u xaqiijiyeen AFP.

Golaha Cadaalada Qaranka (CNJ) ayaa wuxuu siiyey Garsoore Jefferson Rodrigues 15 maalmood si uu u sharraxo go’aankan ku saabsan faahfaahinta khaldan ee kiisaskii hore ee maxkamadaha iyo horudhacyadii sharci ee hore, kuwaasoo ay ku jiraan khaladaad loo nisbaynayo go’aannadii hore ee Maxkamadda Sare ee Cadaaladda, sida ay diiwaannada kiisaskani shaaca ka qaadeen.

Rodrigues wuxuu u qirtay dokumentiyada loo gudbiyey hay’adda kormeerka in go’aanka uu la qoray “la-taliye la aamini karo” – iyo AI oo ah aaladda ku shaqaysa caqliga la macmalay.

Waxa kaloo uu meesha ka saaray khaladaad waawayn isagoo ku dooday in “khalad kaliya” uu sameeyey mid ka mid ah kaaliyaashiisa, isaga oo taana ku eedeeyey “culayska shaqada ee soo wajahdey garsoorayaasha” oo aad u badnayd.

CNJ waxay sheegtay in dhacdadani ay tahay “kiiskii ugu horreeyey ee noociisa ah” ee Brazil, kaasoo aan lahayn sharciyo mamnuucaya u isticmaalka AI ee goobaha garsoorka.

Runtii, Madaxwaynaha Maxkamada Sare ayaa laguba soo warramayaa inuu qorshaynayo inuu u xilsaaro abuurista “koox ChatGPT oo sharci ah” oo ay isticmaalaan garsoorayaashu – waana mashruuc la sheegay inuu horabay uga socdey gobolka Sao Paulo.

Hadalsame Media