Xog cusub oo ku saabsan Derbiga Xadka Maraykaykanka oo ay Soomaali badani ka boodeen (Sida la filayo ma aha)

0

(Hadalsame) 14 Nof 2023 – Starr County, Texas, waa meel degan Jaleecada hore. Waa dhul buuraleey ah, waxaana ku daboolan geedo yaryar oo ku dhex jira dooxyo yar yar iyo togag, inta badan magaalooyinkeeduna waxay u eg yihiin goob nasiino

Xuduudka Mexico iyo Mareykanka ayaan aheyn mid halkaan ka fog. Maalmaha xasiloon ee magaalooyinka sida Roma, dadka deegaanka iyo dadka soo booqda waxay maqli karaan sheeko dheer, carruur ciyaaraysa ama diiqa oo ciyey guud ahaan Rio Grande.

Muddo tobanaan sano ah, gobolka uu ku yaallo, daanta webiga wuxuu noqday marin iyo waddooyin waaweyn oo ay isaga gudbaan muhaajiriinta, waxaana uu hadda yahay , xuddunta doodda kulul ee ku saabsan amniga xuduudaha ee Mareykanka.

In kasta oo madaxweyne Biden iyo saraakiisha maamulkaiisa ay sheegeen in qaybta cusub ee darbiga xuduudka loo dhisayo si hagar la’aan ah, iyadoo la isticmaalayo dhaqaalaha uu u qoondeeyay maamulka Donald Trump sanadkii 2019, ayaa waxaa talaabadda uu qaadayo maamulka Madaxweyne Biden ay keentay dhaleecayn badan.

Dood adag oo ku saabsan tilaabada lagu xakameynayo xudduudaha ayaa ahayd siyaassadd xasaasi ah oo muran badan dhalisay xiligii madaxweynihii hore Mareykanka Trump.

Su’aasha waxaa ay tahay gidaarrada xudduudaha waxtar ma u leeyihiin joojinta qulqulka muhaajiriinta Mareykanka?

Xog laga helay Waaxda Amniga Gudaha ee la sii daayay dhamaadka 2020 ayaa muujineysa in darbiyada cusub ay yareeyeen gelitaanka sharci darrada ah ee meelaha qaarkood ku dhawaad 90%. Daraasadaha jaamacadaha ayaa, dhankooda waxay soo sheegaan natiijooyin dhexdhexaad ah.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Ilaalada Xuduudaha ay diiwaangeliyeen in lagu guuleystay in la xakmeeyo qulqulka Muhaajiriinta kal hore, dhammaadka waqtigii maamulka Trump, walow aysan guulaha la gaaray ahayn kuwa waaweyn .

Warbixin lagu daabacay American Economic Review, ayaa lagu ogaaday in caqabadaha xuduudaha ay hoos u dhigeen socdaalka guud 35 boqolkiiba.

Maamulka Biden, ayaa dhankiisa, si isdaba joog ah oo aan leexleexad lahayn u sheegay in aanay rumaysnayn waxtarka darbiyada laga dhisayo xaduudka Mareynkanka iyo Meksiko .

Doris Meissner oo hore u ahaan jirtay gudoomiyihii hore ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Maraykanka ayaa BBC-da u sheegtay in gidaaraddu ay wax ku ool u noqon karaan “yareeynta” qulqulka muhaajiriinta”.

“Fikirka ah in la sameeyo darbiyo lagu xanibayo qululka dadka soo galootiga ah waa mid fudud, taas oo baddali karta in askar iyo gaadiid badan xaduudka la dhoobo,waxaa ka sahlan darbiga ayuu yiri Mr. Meissner, oo hadda ka shaqeeya Machadka Siyaasadda Socdaalka oo xaruntiisu tahay Washington, DC.

Darbiga Maraykanka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Soomaalida iyo Darbiga Mareykanka

Darbiga wuxuu dood badan ka abuuray gudaha siyaasadda Mareykanka, waxaana sannad walba ka booda dhallinyaro Soomaliyeed oo qeyb ka ah dadka doonaya in ay gaaraan dalkaasi.

Dhalinyaradaas oo baadi goobaya in nolol cusub ay ka sameeystaan gudaha dalka Mareynka ayaa mararka qaar la kulma dhibaatooyin badan inta ay ku gudaha jiraan safarkooda.

Dhismaha darbiga oo uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wali doodiisa ay sii socotaa, waxaana ay u muuqataa in xisbiga hadda haya talada dalka Mareykanka ay doonayaan in ay sii wadaan dhismaha darbiga.

Rio Grande

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Darbigu ma aha mid aan laga gudbi karin

In kasta oo darbiga si adag loo dhisay oo aad looga taxadaray ayaa haddana meelaha qaar waxaa fudud in dadka lugeeynaya ay mari karaan.

Khubaradu waxaa ay sheegeen in meelaha darbiga laga dhisay ay adag tahay in la maro balse Tahriibayaashu ay inta badan helaan wadiiqooyin ay uga gudbaan caqabadaha iyagoo isticmaalaya jaranjaro ama xadhko.

Dhinaca xuduudka oo ay bulshooyinku caado ka dhigteen inay safka hore kaga jiraan doodaha socdaalka ayaa wararka ku saabsan kordhinta xayndaabka waxa ka dhashay dareeno kala duwan.

BBC

Hadalsame Media