Saraakiil ka tirsanayd ATMIS oo fulaynimo darteed ciidanka looga ruqseeyey + Magacyada

0

(Muqdisho) 13 Nof 2023 – Maxkamad millateri oo Ugandan ah ayaa laba sarkaal ku heshay denbiyo fuleynimo ah, kaddib markii dagaalyahannada Shabaabku ay gudaha u galeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin Soomaaliya bishii Maajo.

Gaashaanle Zadock Abor iyo John Oluka ayaa baxsaday oo cagaha wax ka dayey kaddib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen degaanka Buulo Mareer ee koonfurta uga beegan magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 50 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ayaa weerarkaa gaadmada iyo kediska ahaa lagu diley, sida ay saraakiishu sheegeen.

Uganda ayaa qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ee dalkaa ka caawiya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida.

Weerarkii Buulo Mareer ayaa ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee qabsada ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, tan iyo markii la billaabay weerarrada cusub ee ka dhanka ah Al-shabaab sannadkii hore.

Maxkamadda ciidamada Uganda ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dhegeysatey in saraakiishaasi la siiyay digniin ku aadan weerrarada kusoo wajahan balse ay ku guuldararysteen inay ka hortagaan.

Markii dableey hubaysan ah oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay saldhigga, balse halkii ay saraakiishani abaabuli lahaayeen ciidankooda waxay taasi bedelkeeda u carareen saldhig kale. Labada sarkaal ayaa hadda laga ruqseeyey ciidamada.

Hadalsame Media