KA FAA’IIDAYSO: 6 cunto oo dabiici ah oo aad ugu wanaagsan aragga indhahaaga

0

(Hadalsame) 14 Nof 2023 – Cilmi baaris ahaan waxaa la arkay in xiriir weyn uu ka dhexeeyo nafaqada iyo caafimaadka isha. Qaadashada cunnooyinka uroon indhaha waxa ay si weyn u kobcinaysaa una xifdinaysaa aragga isha. Waa kuwaan cunnooyinka u fiican aragga.

Karootada

Karootada waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo “beta-carotene” oo ah nooc faytamiin A ah taas oo u wanaagsan aragga. Maadadani waxa ay caawisaa in xuubka isha ee loo yaqaanno “retina” ay si sax ah u shaqayso waxayna ka hortagtaa indho beelka habeenkii. Karootada oo cunnada lagu darsado waxay muhiim u tahay xiftinta caafimaadka indhaha.

Koostada

Caleenta koostada waxaa ka buuxa maadooyinka sunsaarista ee “lutein” iyo zeaxanthin” kuwaas isha ka ilaaliyo dhaawaca iftiinka islamarkaana yareysa halista xanuunka “macular degeneration”.

Kalluunka Salmon-ka

Kaluunka dufanka leh sida salmoonka waxaa laga helaa asiidhada dufanka ah ee omega-3 kuwaas oo caawiya ka hortagga indho qalleylka, islamarkaana hoos u dhiga halista caadka indhaha. Waxaa lagu taliyaa in salmoonka iyo noocyada kale ee kalluunka dufanka leh la cuno labo jeer toddobaadkii.

Ukunta

Ukunta waxaa ku jirta macdanta zinc taas oo xifdisa caafimaadka xuubka isha, sida oo kalena yareysa halista arag beelka da’da la xiriira. Waxaa kaloo ukunta ku jira maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin” kuwaas oo xifdiya caafimaadka isha.

Lawska

Lawska waxaa ku jira faytamiin E kaas ka ilaaliya indhaha in ay daciifaan da’da markii ay weynaato.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media