DAAWO: Dagaal faraha looga gubtey oo loogu faysteeyey taageerayaasha laba kooxood oo ka dhacay dalka Brazil + Sawirro

0

(Coritiba) 14 Nof 2023 – In ka badan 100-taageere ayaa dagaal dhex maray kaddib goolkii ay guushu ku raacday kooxda Coritiba daqiiqaddii ugu dambaysay ee ay kaga badisay kooxda Cruzeiro horyaalka Barazil.

Robson ayaa dhaliyey goolka waqtigii dhimashada iyadoo Coritiba ay ku badisay 1-0. Labada kooxood ayaa ku jira aagga loogu laabanayo heerka labaad ee horyaalka Brazil, iyadoo Coritiba ay ku jirto kaalinta 19aad halka Cruzeiro oo laba boos uun ka sarreeyso.

Kaddib goolkii Robson, jamaahiirta Cruzeiro ayaa soo galay garoonka waxayna aadeen dhanka taageerayaasha gurigooda la joogey.

Taageerayaasha Coritiba ayaa iyana sidoo kale xoog kusoo galay garoonka, iyadoo uu dagaal qaraari halkaa ka dhacay.

Shaqaalaha ammaankuna waxay awoodi waayeen inay kahortagaan isku dhacyada labada qaybood ee taageerayaasha ah, ilaa markii dambe loo yeero ciidamada rabshadaha xakameeya.

A 100-man brawl broke out between fans after Coritiba scored a last minute winner v Cruzeiro

Following Robson's strike Cruzeiro fans entered the pitch and headed towards the home fans

After the game Coritiba released a statement in which they criticised the pitch invasion

Coritiba stated that such situations are unacceptable and will harm Brazilian football

Police and security staff entered the pitch to try and restore order amongst the fans

Hadalsame Media