Cayrinta wasiiraddii ajnabiga necbayd una geftey dadkii weerarka Qasa ka dhiidhiyey oo baraha bulshada looga jeexjeexayo (Taageero ay dhinac kale ka heshay)

0

(Hadalsame) 14 Nof 2023 – RW Rishi Sunak ayaa cayriyey Suella Braverman Xoghayihii Arrimaha Gudaha UK kaddib markii ay ku eedaysay madaxda Booliiska UK ee Metropolitan Police inay eex ka muujiyeen sida ay u maareeyaan mudaaharaadyadii Falastiiniyiinta ee ka dhacay Ingiriiska.

Isku shaandhayn yaab leh oo Isniintii dhacday, Rishi Sunak waxa uu Ra’iisal Wasaarihii hore ee David Cameron u magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibedda halka uu James Cleverly, oo horay u hayey jagadaas, laga dhigay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee laga qaaday Suella.

It followed a row over inflammatory comments made by Ms Braverman suggesting homelessness is sometimes a “lifestyle choice”, and an unauthorised newspaper article criticising the way police have handled pro-Palestinian “mobs”.

WAXYAABIHII AY SHEEGTAY: Waxaa doodaha ay kicisay gabadhan oo asal ahaan kasoo jeedda Hindiya ka mid ah inay beri dhowayd sheegtay hadal aad loogu dhaliilay oo ahaa in  guri la’aantu ay mararka qaarkood tahay “doorasho ama hab-nololeed”.

Waxay sidoo kale marka laga soo tago inay Booliiska UK ku eedaysay inay u jilicsanaayeen mudaaharaadayaashii ka dhiidhinayey xasuuqa Qasa ee iskugu soo baxay magaalooyinka UK, ay sidoo kale dibedbaxayaasha ku tilmaantay ”qas wadayaal”, iyadoo xitaa mamnuuci lahayn mudaaharaadyada lagu taageerayo Qasa, haddii ay sii joogi lahayd.

@skynews

#HomeSecretary #SuellaBraverman to consider banning #proPalestine marches on #ArmisticeDay ▶️ More videos @Sky News

♬ original sound – Sky News

Weliba waxay hadalkaa mar kale ku celisey habeenkii Axaddii, iyadoo ku andacoonaysa in waddooyinka Britain “ay wasakheeyeen nacayb, rabshado, iyo Yuhuud nacayb”, sida ay tiri.

Waxyaabaha ay soo kordhisey intii ay maamulaysey Home Office-ka waxaa ka mid ahaa in dadka magangelyo-doonka ah ee UK iska dhiiba la geeyo dalka Rwanda, taasoo lagu diidey, balse ay Maxkamadda Sare ee UK ay go’aan ka gaarayso berritoole oo Arbaco ah.

Yeelkeede, Mr Sunak ayaa loo sheegay inuu “isku diyaariyo dagaal”, maadaama tallaabadan uu qaaday ay kicin karto kacdoon ballaaran oo ay sameeyaan in ka badan 50 ka mid ah taageerayaasheeda garabka midig ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Torry, kuwaasoo wada doonaya inay Mr Sunak kala wareegaan hoggaaminta xisbiga.

Waxaa durba baraha bulshada ka soconaya dhambaallo taageero ballaaran loogu muujinayo Suella oo kasbatay kalsoonida dadka muxaafidka ah, kuwa midigta fog ee soo galootiga neceb IWM, kuwaasoo ay qaar xitaa ku baaqayaan in Sunak la eryo oo iyada lagu bedelo.

Durba waxaa baraha bulshada ka soconaya muuqaallo lagula wiirsanayo gabadhan oo tiiyoo ay lafteedu soo galooti ku tahay UK asal ahaan, misna nacayb badan u muujisay iska dadka nooceeda ah.

Waxaa sideeda oo kale marka ay ajnabiga aragto giir iska kicin jirtey Priti Sushil Patel oo qabatay isla xilkan Xoghayaha Arrimaha Gudaha min 2019 ilaa 2022, taasoo sidoo kale kasoo jeedda Hindiya, waxayna keentay in baraha bulshada ay dadka ajnabiga ihi ku baaqaan inaan xilalkaa sare looba dhiibin dadka kasoo jeeda Koonfur Bari Aasiya.

@ibrahimmirbahmed

#She deserves it

♬ original sound – A Adam 🇵🇸

@ytinsaftv

#fyp #trending #viral #suellabraverman

♬ Where you are (Vocals only) – Halal Beats

@vladimirputinputino

#foryou #fypシ゚viral #fyp #suellabraverman #rishisunak #uk #unitedkingdom #london

♬ Happy Laughing – Sound Effect

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media