Dukaamada waawayn ee Yurub qaarkood oo bilaabay inay qariyaan khudaarta ka timaada Israel + Ujeedka (Dukaan lagu qabtay arrinkaas)

0

(Hadalsame) 14 Nof 2023 – Dukaamada waawayn ee silsiladda ah ee Lidl ee ku yaalla Faransiiska ayaa dhaleeceyn kala kulmay dadwaynaha iyagoo lagu eedeeyey inay isku dayeen inay qariyaan asalka badeecadaha ka yimaada Israel, sida ay warbaahinta maxalliga ahi werisey.

Sida laga soo xigtey warbixinnada, shabakadaha Faransiiska ayaa arkay Lidl oo ku qoraysa avocado iyo rummaannada lagasoo dhoofiyey Israa’iil inay yihiin qaar asal ahaan ka yimid Afrika ama xitaa Spain.

Tiro ka mid ah isticmaalayaasha ayaa soo qaatay sawirro muujinaya alaabada iyo calaamadahooda, labadaba asalka iyo qoraalka dukaanku ku daray, isagoo soo dhigay X (ex-Twitter) si ay u caddeeyaan been-abuurka, iyaga oo ku tilmaamay xaaladdan “fadeexad ay ku kaceen Lidl.”

“Shaygan waxaa lagu qoray inuu ka yimid Morocco sida ku cad calaamadda, laakiin kaddib markii aan baaray, waxaa soo baxday in asalka dhabta ahi uu yahay Israel,” ayuu qoray mid ka mid ah isticmaalayaashu.

“Waxaan u malaynayaa inay jiraan dukaamo badan oo kale oo sidan samaynaya si ay u iibiyaan badeecooda iyadoo aan la qaadicin.” mid kale oo isticmaala X ayaa raaciyey.

Hadalsame Media