Dalalka BRICS oo aad uga sara maraya kuwa haatan hoggaamiya dhaqaamaha dunida ee G7 (Waa sanadkee?)

0

(Hadalsame) 14 Nof 2023 – Kobaca deg degga ah ee BRICS ayaa waxa uu wax ka beddelayaa dhaqaalaha adduunka, iyadoo saamiga kooxda ee GDP-ga adduunka marka la eego awoodda wax iibsiga (purchasing power parity (PPP) oo markii ugu horreeysey ka sara mari doona kan Kooxda 7oddobada ah (G7) ee dhaqaalaha & wershadaha ku horumarsan, sida ay Bloomberg asheegtay usbuucan.

BRICS ayaa waxay hadda ka kooban tahay dalalka Brazil, Russia, India, China, iyo South Africa, laakiin kooxda waxaa kusoo biiri doona bisha Jannaayo ee sanadka 2024 dalalka Argentina, Masar, Ethiopia, Iran, Saudi Arabia, iyo UAE.

Naadiga G7 ee wadamada wershadaha ku horumaray ayaa iyaguna waxay ka kooban yihiin dalalka Maraykanka, Canada, UK, France, Italy, Germany, iyo Japan.

Warbixintu waxay tilmaantay in BRICS oo la ballaariyey ay horraanba dhaqaale ahaan ka muruq wayn yihiin G7. Sannadkii 2022-kii waxa uu ururku ahaa saamiga dhaqaalaha dunida ka ahaa 36%, marka loo eego 30% oo G7 ah.

“Saadaasheennu waxay soo jeedinaysaa in xoogga dhaqaale oo sii ballaaranaya iyo waqti ku filan inay soo qabtaan dhanka tignoolajiyadda ay kor u qaadi doonto saamiga dalalka BRICS+ ilaa 45% marka la gaaro 2040-ka, marka la barbar dhigo 21% oo qura oo uu xilligaa noqon doono dhaqaalaha G7,” ayaa lagu qoray warbixinta.

”Saamayn ahaan, BRICS+ iyo G7 waxay booska isu bannayn doonaan qiyaas ahaan 2040.” ayay raacisay jariidadda warbixinta lagu xarriiqay Bloomberg.

Hadalsame Media