MOWQIF CUSUB: Jarmanka oo go’aansaday inuu la xaajoodo Ruushka + Ujeedka (Maxaad ka ogtahay jacdii lagu dhejiyey bishii Juun?)

0

(Riyaad) 13 Nof 2023 – Hoggaamiyaha Jarmanka ee Olaf Scholz ayaa tilmaamay inuu diyaar u yahay wadahadal cusub oo uu la yeesho Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin si uu ugala hadlo khilaafka Ukraine, isagoo dhanka kale carrabka ku adkeeyey mowqifkiisa ah in Moscow ay waajib ku tahay inay samayso tanaasulaad dhab ah ay Kiev ugu qanciso inay timaado miiska wada xaajoodka.

Isagoo la hadlayey wargayska maalinlaha ah ee Heilbronner Stimme Axaddii, Scholz wuxuu ku andacoodey in ololaha Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine “uu yahay soo celinta Imbiraaliyaddii Yurub,” isagoo sheegay in Berlin ay doonayso inay Kiev ku taageerto hub iyo noocyo kale oo gargaar ah “ilaa iyo inta loo baahan yahay.”

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu albaabada u furay inuu xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Ruushka, isaga oo macneeyey inuu horraan wada-hadallo ula yeeshay Putin, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu arrintaas sameeyo mustaqbalka.

Yeelkeede, “wada xaajoodka [Ukrayn] wuxuu u baahan yahay tallaabo adag oo ka timaada dhanka Ruushka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Jarmanku, isagoo ku boorriyey Moscow inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Kiev ee ay ku andacoonayso inay iyadu leedahay.

Markii ugu dambaysey ee Scholz iyo Putin ay taleefoon ku wada hadlaan waxay ahayd Diseembar 2022-kii. Waqtigaas, hoggaamiyaha Ruushku wuxuu kasoo horjeestey “siyaasadda burburinta ah ee wadamada reer Galbeedka ee ah inay hubka ku taageeraan maamulka Kiev” iyo inay tababar siiyaan ciidamada Ukraine.

”Taageeradan ayaa Ukraine u horseeday inay diido nooc kasta oo wadahadal ah oo lala galo Ruushka.” ayuu yiri Kremlin-ku marar badan.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Jarmanka ayaa bishii Juun ka dhawaajiyey inuu doonayo inuu mar kale la hadlo Putin; si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Warfaafinta Kremlin-ka ee Dmitry Peskov ayaa xilligaa xusay in hoggaamiyaha Ruushku uusan lahayn qorshe noocaas ah waqtigaas.

Hadalsame Media