Magacyada 7-da dal ee diidey in xiriirka loo jaro Israel & Jabuuti oo ka mid ah + Qoddobada ay baloogeen (Somalia maku jirtaa?)

0

(Riyaad) 13 Nof 2023 – Waxaa todobaad-dhammaadkii magaalada Riyaad ku qabsoomay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ah, si looga hadlo xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin, balse waxaa halkaa kasoo baxay go’aammo maran oo aan wax badan ka bedeli karin wadciga jira.

Sida uu sheegay falanqeeyaha arrimaha Carabta ee Channel 12, Ehud Yacari, inta badan dowladihii ka qaybgalay shirkii Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Riyaad waxay doonayeen inay ku daraan bayaanka xiritaanka shirka shan qodob oo dheeri ah oo ay diideen dalalka Carabta ah ee la xaajoonaya Israel iyo qaar kale, taasoo ay ku jirtey dalab ah in la gooyo dhammaan cilaaqaadka Israel, sida uu qoray Times of Israel.

Hindisaha la diidey ayaa waxaa ka mid ahaa: in laga hortago in qalab millateri uu Maraykanku ku wareejiyo Israa’iil isagoo adeegsanaya saldhigyada Maraykanku ku leeyahay gobolka gaar ahaan dalalka kale ee Muslimka ah;

In la joojiyo dhammaan xiriirrada diblomaasiyadeed iyo kuwa dhaqaale ee lala yeesho Israa’iil; in loogu hanjabo in saliidda loo isticmaalo sidii hub ama in lagu helo mudnaan; in la joojiyo duullimaadyada taga ama ka baxa Israa’iil ee soo mara hawada dowladaha Carabta; iyo in loo diro wefdi wadajir ah oo loo diro Maraykanka, Yurub, iyo Ruushka si ay u riixaan xabbad-joojinta.

Waddamada diiday dalabaadkaas iyo dhowrkaa hindise ee muhimka ahaa ayaa kala ahaa Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Suudaan, Marooko, Mauritania, Jabuuti, Urdun iyo Masar, sida uu caddeeyey weriyaha Yuhuudka ah ee Ya’ari.

Si kastaba, tan ugu darani waa inay dalalka diidey ku jirto Boqortooyada Sucuudiga oo waloow ay horay wada xaajood ugula jirtey Israel, sidoo kalena ay ka mid tahay dalalka hawadeeda u fasaxay amaba horay heshiis hoose ula lahaa, misna dhowaanahan sheegtay inay hakisay wada hadalkaa sidoo kalena aad u cambaaraynaysey Israel.

Hadalsame Media