Laba kulan oo soo socda oo muhim u noqon kara mustaqbalka Pioli (Milan oo noqotay kooxdii ugu horreeysey ee…)

0

(Milano) 13 Nof 2023 – Kooxda AC Milan ayaa guul ay ka gaarto Horyaalka Talyaaniga waxaa u dambaysey 7-dii bishii Oktoobar oo ay 1-0 uga badisay kooxda Genoa, weliba waxay xilligaa la wareegtey hoggaanka horyaalka Talyaaniga.

Milan oo kaddib la kulantan laba bareejo oo isku nooc ah iyo laba guuldarro oo isku nooc ah waloow ay CL ka heleen guul muhim ahayd oo ay kaga badiyeen PSG, ayay taasi waxay haatan cadaadis saaraysaa macallinka kooxda ee Stefano Pioli oo qayb wayn ku leh eedda.

Tuttosport ayaa saaka soo wariyey, in maamulka kooxda Aldo Rossi aysan weli su’aal ka qabin inay sii wadayaan inay xaqiijiyaan kalsoonida ay ku qabaan isaga, laakiin waxaa cad in isbeddel deg deg ah looga baahan doono macallinka oo aad loogu haysto inuusan ku fiicnayn aqrinta ciyaarta, la imaanshaha shax fadhisa, saf hore iyo beddel dambe oo la fahmi karo.

Nasashada caalamiga ah ee haatan socota kaddib, Milan waxay horyaalka la ciyaaraysaa Fiorentina iyo halka Champions League ay kulan go’aamin kara aayohooda tartankaas ay la leeyihiin Borussia Dortmund.

Haddii ay ciyaarta horyaalka natiijo wanaagsan ka iman waydo cadaadisku wuu sii kordhayaa, wuxuuna karkar gaari karaa haddii ay Milan guruubka uga harto Koobka Horyaallada Yurub, markaasoo uu dood kulul gelayo kursiga Pioli, sida uu qabo Tuttosport.

Marka laga soo tago natiijo xumada, misna waxaa jirta arrin ay haatan ka wada hadleen maamulka iyo macallinka Milan oo ku saabsan dhaawacyada joogtada ah ee kooxda kuwaasoo 2 jeer ka badan kooxda kusoo xigta waana arrin muddo sanado ah soo taxnayd, weliba waa dhaawacyo u badan muruqa.

Dhanka kale, AC Milan ayaa noqotay kooxdii ugu horreeysey ee Talyaani ah ee xafiis rasmi ah ka furata magaalada Dubai kaasoo ah Casa Milan Dubai.

Xafiiskan oo ku yaalla  ICD Brookfield Place oo dhacda qalbiga degmada ganacsi ee Dubai, ayay kooxdu ka fulin doontaa howlo ganacsi, farshaxan, makhaayad iyo howlo kale, iyadoo horay akadamiye carruureed ugu lahayd dalka Kuwayt.

Hadalsame Media