Faransiiska oo dalab khasab ah u jeedin doona dalka Ukraine (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 13 Nof 2023 – Faransiiska ayaa qorshaynaya inuu joojiyo hubka uu u diro Ukraine oo uu kasoo saaro kaydka hubkiisa.

Taa beddelkeedana waxay u sheegi doontaa Kiev inay si toos ah hubka uga soo iibsato soosaarayaasha hubka ee waddanka iyada oo loo marayo sanduuqa taageerada, Wasiirka Ciidamada Faransiiska Sebastien Lecornu ayaa sidaa sheegay.

“Hadda waxaan kala xaajooneynaa asxaabta Ukraine in si ay u iibsadaan howsarro cusub iyaga oo isticmaalaya lacag laga siinayo sanduuq gaar ah, iyo si millateriga Faransiisku aysan mar dambe ugu baahan inay wareejiyaan kaydka hubkooda,” ayuu sarkaalku ku sheegay waraysi uu siiyey warbaahinta LCI.

Kaalmada millateriga Faransiiska ee Ukraine ayaa gaartey €3.2 bilyan ($ 3.4 bilyan) ilaa hadda, sida lagu sheegay warbixin baarlamaani ah oo la sii daayey usbuucii hore, Lecornu ayaa xusay.

Lacagtan ayaa Faransiiska ka dhigtay mid ka mid ah dalalka Yurub ee safka hore uga jira taageerada Ciidanka Ukraine, iyadoo ay wehliyaan Jarmanka iyo UK.

Paris ayaa sidoo kale ballanqaaday €200 milyan oo dheeri ah ($ 213 milyan) oo loogu talagalay sanduuqa taageerada ee Ukraine si loo hubiyo sii wadida Ciidanka Ukraine ee helitaanka agabka millateri ee Faransiiska, ayuu sarkaalku raaciyey.

Yeelkeede, Kiev waa inay lacagtaa ku bixisaa isla sanduuqa iibsashada hubka ee Faransiiska oo ay wax uga iibsanayaan wershadaha hubka soo saara ee isla dalkaasi.

Hadalsame Media