DF Somalia oo heshiis muhim ah la gashay dalka Sucuudiga & Waxa laga caawinayo

0

(Riyaad) 13 Nof 2023 – Boqortooyada Sacuudiga Carbeed iyo DF Soomaaliya ayaa magaalada Riyaad ku kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhanka amniga ah oo dhaxmari doona dowladaha labada dal.

Heshiiska ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, wax ka qabashada dhinacyada muhiimka ah sida la dagaalanka argagixisada, wadaagga sirdoonka iyo tayeynta.

Waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo qaab-dhismeedka isku xirna amniga ee labada waddan, taasoo u oggolaanaysa habab badan oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee gobolka.

Heshiiska waxaa dhanka Sacuudiga u saxiixay Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha Nasser bin Abdul Aziz Al Dawood, halka dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Jaamac, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee SPA.

Wefdiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay magaalada Riyaad si ay uga qaybgelayaan shir-madaxeedka Sucuudiga iyo Afrika iyo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Carabta iyo Islaamka kaasoo looga hadlay xaaladaha halista ah ee Marinka Gaza.

Waa heshiiskii ugu horreeyey ee heer amni gaarsiisan ee ay kala saxiixdaan labada dal tan iyo burburkii.

Hadalsame Media