Libaax 6 saacadood gabagabeeyey magaalo ku taalla Talyaaniga (Daawo)

0

(Hadalsame) 12 Nof 2023 – Libaax kaso baxsaday goob carwo ah oo ku taal magaalada Ladispoli ee dalka Talyaaniga ayaa ku dhowaad lix saacadood dhex wareegayey waddooyinka Sabtigii, taasoo argagax ku abuurtay dadka degaanka.

Alessandro Grando, Duqa Magaalada ayaa Sabtigii ku dhawaaqay in bahalkani uu baxsaday, wuxuuna uga digey dadka inay taxadaraan oo aysan dibedda u bixin ilaa amar dambe.

Waxa uu intaa ku daray in bahalka baxsadka ah “islamarkiiba lagu raad-gaaday” howlgalkii lagusoo qabtayna ay hoggaaminayeen shaqaalaha carwada iyo booliiska.

Ladispoli waa magaalo yar oo dhacda woqooyiga Roma ee dhanka xeebta badda Mediterranean-ka.

Dhanka kale dadka degaanka oo aad uga naxay arrintan ayaa bilaabay inay baraha bulshada soo geliyaan muuqaallo muujinaya libaaxa oo si caadi ah u dhex laafyoonaya waddooyinka, iyaga oo muujinaya cabsi iyo walaac.

 

 

 

Hadalsame Media