Maraykanka oo ”QARINAYA” waxa ku dhacay diyaarad uga dhacday meel aan ka fogayn Marinka Qasa

0

(Hadalsame) 12 Nof 2023 – Diyaarad millateri oo Maraykan ah oo aan nooceeda la cayimin ayaa ku burburtay bariga Mediterranean-ka, sida uu shaaciyey ataliska Maraykanka ee Yurub.

Washington ayaa dhowaan gobolka gaysey labo kooxood oo ay hoggaaminayaan maraakiibta diyaaradaha xambaara, si loogu guulguulo gobolka oo uu ka socdo duullaan ay Israel ku qaadday Gaza.

Diyaaradda ayaa samaynaysey duulimaad roondo ah fiidnimadii Jimcaha markaasoo ay “la kulantay dhibaato farsamo deetana way dhacday,” EUCOM ayaa sidaa ku sheegay hadal kooban.

Pentagon-ku ma aysan bixin wax macluumaad ah oo dheeri ah oo ku saabsan nooca diyaaradda, inta qof ee la socotey, iyo in shilku ka dhacay iyadoo dul haadaysa dhulka ama badda.

“Si kastaba ha ahaatee, waxaan si dhab ah u sheegi karnaa in diyaaraduhu ay ku jirtey roondo tababar ah mana jiraan wax calaamado ah oo muujinaya dhaq-dhaqaaq cadaawadeed,” ayuu raaciyey Taliska EUCOM.

“Ixtiraamka loo hayo qoysaska ay arrintani saamaysay dartood, ma sii dayn doono macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ciidankii shilkan ku lugta lahaa waqtigan.” Ayay raaciyeen iyagoo ula jeeda askarta dhimatay.

Hadalsame Media