Ayaan Kaaba oo sharraxday sababta ay kelmadda ”walaal” ugu adeegsan jirtey wiilka guursadey & Dhibka ay jacaylkeeda u martay

0

(Hadalsame) 13 Nof 2023 – Mar kale waxaa internetka Soomaalida qabsaday hadal haynta Ayaan Axmed Caydiid oo loo garan ogyahay ‘Ayaan Kaaba’. Waa mid ka mid ah hablaha ugu caansan suugaanta Soomaalida ee xilligan, iyada oo marar hore oo badan tirisay maansooyin qabsaday baraha bulshada Soomaalida.

Waxay ka mid tahay boqolaal Soomaali ah oo ka booday derbiga dadka tahriibeyaasha ah ka galaan Mareykanka ee dhanka Mexico. Dadkaas oo safar dheer u galay inay gaaraan Mareykanka waxay isugu jiraan abwaano, fanaaniin iyo xitaa weriyeyaal, iyo dad kale oo ka yimid Afrika iyo Yurub, kuwaas oo ka rajo qaba inay nolol cusub ka bilaabaan dalka loogu yeedho ‘ dhulkii fursadaha’.

Oraahda iyo maansooyinka gabadhan reer Hargeysa ahayd ayaa marar hore u qabsaday Internetka iyo baraha bulshada Soomaalida ka dib maansadii Wardo Xaashi.

Internetku wax ma hilmaamo, oo markan waxaa lagu haystaa ninka ay gaclootay oo ay la aqal gashay sabtidii, kaas oo muddo aan fogeyn ka hor ay ku tilmaamay ‘walaal’ kadib qoraal wehliyay sawir ay ku wada jireen iyada iyo seygeeda cusub oo Facebook la soo dhigay.

Hadal-haynta sawirkan, iyo wixii ay ka tiri Ayaan Kaaba

Sawirka Hadal haynta dhaliyey

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK/AYAAN KAABA

Markii uu soo baxay warka la xidhiidha xaflada arooska Ayaan Kaaba iyo seygeeda Cabdi Daysane toddobaadkii hore ayay dadka internetku adeegsida bilaabeen inay dib u baadhaan xidhiidhka horey uga dhexeeyay lammaanahan cusub.

Waxay soo heleen sawirka kore, oo ay labo bil kahor soo dhigtay Facebook Ayaan Kaaba, iyada oo raacisay qoraal u dhignaa “Walaalkaa oo kaa dheer markaad sawir la gashid. Xafladdii xalay waa la isku arkay.”

Si kaftan leh, marna dhab u eg, ayuu sawirkaas ugu faafay baraha bulshada, iyada oo ay dadka qaar la xidhiidhinayaan sheekooyin ka caan baxay baraha bulshada sida ‘Abti Xabiibi’, iyo ‘Walaalka maanta waa Xaajiga berri’.

Waxay weydiimo ka keeneyn sida ‘Walaalkii shalay odeyga reerka la unkay abwaanad Ayaan’.

Abwaan Ayaan Axmed Caydiid oo ka mid ah hablaha maansooyinka tiriya ee Soomaalida kuwa loogu jecel yahay ayaa BBC kala hadashay dareenkeeda la xidhiidha hadal haynta ka dhalatay sawirka hore iyo seygeeda.

Waxay ku tilmaamtay Soomaalida internetka “baadheyaal iyo sirdoon aysan cidna dirsan”. Waxa ay la yaabtay waqtiga ay geliyeen nolosheeda Facebook iyo sawirrada hore ee ay soo fageen.

“Bal kaalay sheeg goorta ay fageen Facebook-keyga, iyo waqtiga ay ku lumiyeen sawiradeyda,” ayay isweydiisay Ayaan Kaaba, oo uu la yaab ku noqday hadalheynta ka dhalatay sawirkaasi.

Ayaan Kaaba

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK/AYAAN KAABA

Waxay intaas raacisay in seygeeda cusub ee Cabdi haasaawe kala dhexeeyay muddo dheer isla markaana, walaalnimadu ay ahayd habka keliya ee bulshada dhexdeeda ay ku tilmaami kartay.

Waxay sheegtay inay ka yaro xishooneysay inay jaceylkeyga ama ninkeyga soo socda ka tiraa Facebook, iyaga oo aan weli si rasmi ah Lamaane u noqon.

Waxay ugu baaqday Soomaalida internetka inay xeeladooda wax-baadhista iyo sirdoonka ay u adeegsadaan howlaha iyo danaha qaran, halka ay waqti ku lumin lahaayeen arrimaheeda qoys ee gaarka ah.

“Waad ogtihiin dalkeenna waxaa ka jira wax badan oo dhanka amniga ah sida qaraxyada iyo amni darro kale oo badan. Marka arrimaha CID-nimada waxay ku fiican tahay in loo adeegsado arrimaha qaran ee amni darrada keena,” ayay tiri Ayaan Kaaba oo la hadashay BBC.

Jaceylkii ay u tahriibtay iyo waxa ay u soo martay

Ayaan Kaaba oo horey u sheegtay in xidhiidhada nolosheeda ay u badnaayeen haasaawe la wadaagida ragga masaafe ahaan ka fog halka ay joogto ayey sheegtay in iyada iyo seygeeda Cabdi ay muddo dheer xidhiidh lahaayeen, islamarkaas na ay jaceylkiisa u soo jiidhay dhowr iyo toban dal si ay mar uun cagta u soo dhigto halkii uu joogay.

Dhalandhool safar oo xilli barqo ah ayey kasoo bilowday Muqdisho iyadoo isaga gudubtay xuduudaha dhowr dal, barri iyo xitaa cir, si cabsi leh, oo hadba qof ku wareejinayo qof kale, oo socdaalka horey ugu sii jiheeya. Waxayse ugu darneyd markii ay soo dul istaagtay derbigii Mexico ee looga gudbi lahaa xadka Mareykanka.

“Waxaa la yaab iyo amakaag igu noqday markii aan soo dul istaagtay derbi dheer oo aan lahay sallaan lagu koro ama looga dago,” ayay tiri Ayaan Kaaba oo dib u xasuusanaysa derbiga weyn ee Mexico ay uga soo booday dhanka Mareykanka.

Laakinse markii dambe, kuwa dadka tahriibinayay ayaa meel qarsoodi ka soo saaray jaranjaro dheer oo derbiga lagu kori karo si dhanka kale looga boodo. Waa jaranjaro guurguurto oo aan oollin meel gaar ah oo cayiman, waa na habka keliya ee ay dad badan uga gudbaan derbigaas maadaama aan la talaabi karin derbiga. “Waan usoo tahriibay oo derbi ayaan uga soo booday jaceylkeyga,” ayay tiri Ayaan Kaaba.

BBC

Hadalsame Media