KA FAA’IIDAYSO: 5 tillaabo oo aad xal ugu heli karto QABATINKA isticmaalka baraha bulshada

0

(Hadalsame) 12 Nof 2023 – Waxaa laga yaabaa in xogta lagu soo daabaco baraha bulshada ay tahay mid so jiidasho leh, oo ay kugu qasabto inaad qabatinto daawashadeeda – adiga oo kolba hoos ama kor u rogaya darbiga wax lagu soo dabaco, una arkaya in xogta aad daawaneyso ay wax wayn ku soo kordhineyso noloshaada. Balse, waxay inta badan noqotaa taa cagsigeeda. Hadaba waxaa suuragal ah inaad guul ka gaari karto arrintaas.

Inaga oo indhaheenu aanay wada furanayn ayaan marka ugu horeysa ee aan subaxii ka kacno hurdada, waxaan gacanta ku qabsanaa taleefankeena, inaga oo bilowgana inaa dhex wareegno baraha bulshada – si aan u ogaano waxyaabihii ugu dambeeyay ee dhacay haebeenkii aan jiifnay.

Hadii aad arrintaan ka walwalwasho oo qabatinkaas uu sii jiro maalinkii oo dhan, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad ka adkaato dabeecadaas maalinlaha ah. Waxaa laga yaabaa inay qaataan qayb badan oo kamid ah tamartaada.

Qabatin

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxaa xaqiiqo ah in baraha bulshadu naga caawiyaan inaan ogaano waxa la isla dhexmarayo maalinkaas, mararka qaarna waxaa suuragal ah inay dadka qaar ka helaan dhiirri-galin xogaha lagu daabaco. Balse hadii isticmaalaka xad dhaafka ah ee barahaan uu sacado badan kaa qaato, waxaa laga maarmaan ah inaad joojiso dhaqankaas.

Qabatinka baraha bulshada waa mid dha ah, xogaha iyo dooqa kala caynka ah ee dhexyaacaya dartood ayay dadka qaar ku noqtaa mid adag inay ka adkaadaan dabeecadda isticmaalka xad dhaafka ah.

Sida ay sheegeen khubarada ku taqaqustay shaqada maskaxda; waxyaabaha ugu waawayn ee sababa qabatinka isticmaalka baraha bulshada ayaa waxaa kamid ah, kalsooni darrida shaqsiyadeed, cabsida iyo niyad jabka iyo sidoo kale qanaaco darada shaqsiyadeed ee ka dhex jirta da’yarta iyo dadka kalaba.

Inta badan dadku waxay qanaaco ku dareemaan inay taleeefan kala xiriiraan dadka kale, halkii ay si toos ula kulmi lahaayeen, iyaga oo dareemaya hoosayn hadii ay qofka hor fariistaan.

Hadaba qodobadaan ayaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan sidii aad uga adkaan lahayd qabatinkaas.

1. Raadi wax kuu badala baraha bulshada!

Khubarada ayaa leh, “ udeymo lahaoow waqtiga kaaga baxa baraha bulshada. Ogsoonoow u jeedka aad ugu jirto hadii uu dantaada yahay iyo in kale. Waa laga yaabaa inuu markaas kuu yahay Il aad xog ka hesho ama meel kaa jeedisa waxyaabaha kale eek u dhibaya.” Marba hadii aad fahansantahay natiijada kaaga imaaneysa, waad sii wadan kartaa isticmaalka adiga oo sidoo kale ka fikiraya hadii ay jiri karaan waxyaalo kale oo kaa caawin kara waxa aad u dhex joogto baraha bulshada.

2. Abuuro dabeecado kale oo xiiso leh!

Qabatin

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xitaa hadii baraha bulshadu ay kuu caawinayaan qaabab kala duwan, ku bixinta waqti badan waxay kuu keeni kartaa dhibatao badan. “Hadii aad is ku fikirto inaad yareyso waqtigaas badan, isku daya inaad si firfircooni leh u abuurao caadooyin iyo dhaqno kale oo ku caawin kara. Isku day inaad yeelato dabeecado macno u yeelan kara jadwalkaaga maalin laha ah”, ayay soo jeedinayaan khubaradu.

3. Isku day inaad dadka dhex gasho!

Waxaa laga yaabaa inaad xasillooni ku dareento marka aad taleefan qof kala xiriireyso, balse xaqiiqada ayaa ah in wax lalal barbardhigi karo aysan jirin kulamada tooska ah. Khubarada ayaa qabta in ay wanaagsan tahay dhexgalidda dadka kaa agdhaw, oo aadan marna naftaada u ogolaan inaad isku maaweeliso isticmaalka taleefanka.

4. Waqtigaaga kala xadayso!

Gabi ahaanba inuu iska joojiyo isticmaalka baraha bulshada waa waanada ugu xun ee la siin karo qof la dhiban waqti xaadirkaan qabatinka baraha bulshada. Waxaa taas dhaanta inaad xoogaa yareyso. Sameyso waqtiyo xadidan oo aad isticmaasho baraha bulshada. Dadka kale aad wada xariirtaan ayaa sidoo kale wanaagsna inaad caawinaad weydiisato oo aysan ku soo dhex galin waqtiyada aad go’aansatay inaad iska joojiso isticmaalaka aaladaha internetka.

5. Naftaada hala barbardhigin dadka kale!

Waxa qof u shaqeeya marka laga hadlayo yaraynta isticmaalka baraha bulshada, waxaa laga yaabaa inaysan adiga kuu shaqayn. Isku day inaad hesho waxa ugu fiican ee adiga kuu shaqayn kara, sida ay yihiina u raac adiga oo aan naftaada barbar dhigayn dadka kale.

Hadii adiga ama qof aad garaneyso uu qabatimay isticmaalka baraha bulshada, waad is cawin kartaan, idinka oo mar walba niyada ku haya inaad iska jari kartaan qabatinkaas.

BBC

Hadalsame Media