”Israel waxay u dhaqmaysaa sidii cunug suuraha laga badiyey” – Erdogan oo furka xooray & Dal Carbeed oo fashiliyey in mowqif adag lagasoo saaro shirka Islaamka

0

(Riyaad) 11 Nof 2023 – Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa reer Galbeedka ku weeraray waxqabad la’aan, xilli uu jiro xasuuqa ka socda Falastiin, isaga oo intaa ku daray in dowladda Israel ay u dhaqmayso sidii “ilmo la suureeyey” marka la eego sida ay kaga jawaabayso weerarka ay Xamaas ku qaadday Oktoobar 7.

Isagoo ka hadlayey shir madaxeedka Carabta iyo Islaamka oo Sabtigan ka dhacay caasimadda Sacuudiga ee Riyaad, Erdogan ayaa ku eedeeyey waddamada reer Galbeedka inay laba-wejiilayaal yihiin, wuxuuna iftiimiyey waxa uu u arko mowqif ka duwan jawaabaha ay ka bixiyaan colaadaha kale ee caalamiga ah.

Waxa uu intaa ku daray in “Xukuumadda Israa’iil ay u dhaqmayso sidii ilmo ay manyiciyeen reer Galbeedku, waana inay magdhow ka bixiso khasaaraha ay gaysatay,” ayuu soo jeediyey.

“Waa wax laga xishoodo in dalalka reer Galbeedka, oo had iyo jeer ka hadla xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda, ay ka aamusaan xasuuqa Falastiin,” ayuu yiri Erdogan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

“Waxaa nasoo food saartay waxshinimo aan horay loogu arag taariikhda, halkaasoo isbitaallada, iskuullada, iyo xeryaha qaxootiga la duqeeynayo, dad rayid ahna lagu xasuuqayo.” ayuu ku qayliyey.

Warka Erdogan ayaa kusoo beegmaya xilli shirka Carabta iyo Islaamka ee ku qabsoomay Riyaad lagasoo saaray mowqif midaysan oo ku aaddan in Israel laga diidey doodda ah inay is difaacid ku marmarsooto iyadoo xasuuqaysa dad rayid ah, taasoo ay ugu garbaynayaan dalalka Galbeedku, waloow ay jiraan dalal Muslim ah oo weli ka meermeeraya inay cambaareeyaan xasuuqa ay wadaan, sida Imaaraadka.

Hadalsame Media