Israel oo ku gooddisey inay xasuuqa Qasa oo kale ka gaysan karto dal kale oo Muslim ah

0

(Xayfah) 11 Nof 2023 – Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant, ayaa u digay kooxda Xisbullaah ee fadhigeedu yahay dalka Lubnaan, wuxuuna sheegay inay qarka u saaran yihiin inay galaan khalad halis ah, haddii ay sii wadaan weerarrada ay ka gaysanayaan meel u dhow ”xudduudda” woqooyi ee dhulka ay Israa’iil haysato, isagoo intaa ku daray inay noqon doonaan muwaadiniinta Lubnaan cidda bixin doonta qiimahaas.

Isagoo ka hadlayey booqasho uu ugu tagay ciidamo ku sugan saldhigga IDF ee qaybta 91-aad ee woqooyiga Israa’iil maanta, Gallant ayaa uga digay hoggaanka Xisbullaah inay “ku dhowdahay inay khalad wayn sameeyaan,” sida ay qortay Times of Israel.

Waxa uu intaa ku daray inay noqon doonto dadka Beirut kuwa ay dhibi doonaan haddii isku dhacyadu ay kasii socdaan woqooyiga Israel, taasoo muujinaysa inay si cad u qiranayaan inay rayidka bartilmaameedsanayaan.

“Xisbullaah waxay Lubnaan ku jiidaysaa dagaal dhici kara, waxayna samaynaysaa khaladaad,” Gallant ayaa yiri. Haddii ay samayso khaladaad noocan oo kale ah, kuwa laga bili doonaa marka hore waa dhammaan muwaadiniinta Lubnaan,” ayuu yiri.

”Waxa aanu Gaza ka samaynayno waanu naqaan sida Beirut-na looga sameeyo.” ayuu wasiirku ka digay isagoo qaab kibirsan u hadlaya.

Hadalsame Media