3 dal oo Yurub ah oo wada qorshaynaya inay dal 3-aad dejiyaan qaxootiga iska dhiiba (Maxkamadda Sare ee UK oo go’aan gaaraysa)

0

(Hadalsame) 12 Nof 2023 – Waxaa soo kordhaya dalalka reer Yurub ee doonaya inay qaxootiga soo magangelaya ee kasoo carara dagaallada sokeeye iyo dhibaatooyinka gaarka ah xeryo uga oodaan dalal 3-aad.

Jarmanka oo kusoo biiray ayaa waxa uu ka shaqaynayaa qorshe uu dadka magangelyo doonka ah Afrika ugu dirayo inta kiisaskooda la sugayo, sida uu sheegay wargayska Wall Street Journal.

Berlin ayaa ka fiirsanaysa inay waydiisato dalalka Kenya, Ghana, Senegal, Morocco, iyo dalal kale oo Afrikaan ah inay dejiyaan qaar ka mid ah magangelyo doonka inta codsiyadooda laga baarayo, maadaama nidaamkaasi uu qaadan karo “sanado” ayuu yiri wargayska, isagoo soo xiganaya saraakiil Jarman ah oo aan la magacaabin.

Hindisahan ayaa weli laga gorgortami karaa laakiin waxaa xitaa ku jiri karta in dib u dejin joogto ah dadkan wadamadan aanu soo sheegnay looga sameeyo dadka aan ku guulaysan in la siiyo iqaamada ama sharciga qaxootiga, sida laga soo xigtey ilaha WSJ.

Qorshahan waxa kale oo xitaa loo isticmaali karaa in lagu dhiirrigaliyo dadka u qalma in magalgelyo laga siiyo Jarmanka laftoodu inay degaan dalal saddexaad oo lagu ogaado, halkii Jarmanka la dejin lahaa.

Hoggaamiyaha Jarmanka ee Olaf Scholz, kaaliyeyaashiisa ugu sarreeya iyo wasiirradiisa muhimka ah ayaa “waxay sahminayeen qaabab lagu hagaajinayo qulqulka qaxootiga ka imanaya Afrika muddo bilo ah waxayna hadda diyaarinayeen dalabyo loo bandhigayo dowlado kala duwan oo Afrika ah,” sida ay saraakiil aan la magacaabin u sheegeen warqaadka WSJ.

Warka ku saabsan isbeddelkan suurtagalka ah ee siyaasadda socdaalka ee Jarmanka ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ee Giorgia Meloni ay iyana ku dhawaaqday qorsheyaal lagu dhisayo xarumo lagu soo dhoweeyo magangelyo doonka oo laga furayo dalka Albania.

Dowladda UK ayaa iyana dagaal maxkamadeed ugu jirta in loo ogolaado inay qaar ka mid ah magangelyo doonka u dirto Rwanda.

Isku daygii la doonayey in dadkan diyaarad loogu duuliyo dalkan ku yaalla Bariga Afrika ayaa la xannibay sanadkii hore kaddib caqabado dhanka sharciga ah, inkastoo Maxkamada Sare ee UK la filayo inay go’aan kama dambays ah gaarto todobaadka soo socda.

Ilaa 5 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee UK ayaa go’aanka soo saaraya Arbacada soo aaddan.

Hadalsame Media