“Waxaan cabay dareeraha lagu dhaqo musqulaha!” – Gabar ka sheekaysay wiil ay jeclayd oo ku xujeeyey shuruud halis ah

0

(Hadalsame) 10 Nof 2023 – Hasal Axmed oo ah gabar dhallinyaro ah ayaa ka qiseeysay sheeko qamuunyo badan oo ka qabsatay jacayl ay u qaadday wiil sida muuqata dareenkeeda ka faa’iidaystey, mas’uuliyadna aan muujin.

Waxay qisadeeda u dhigtay sidan:

“Garowe ayaa katagay anigoo markaa u safray Nairobi si aan nolosha ula wadago Nin naag kale qaba Balse markiii aan kulanay wuxuu igu xiray labadan shuruud

• Tan koowad oo ah in uu hoos iiga mehersado qaab qudbo siro ah waana ka ogolaaday, waayo xitaa hadduu igu afareen lahaa 3 xaas oo kale ma diido lahayn

• Tan labaad wuxuu igu xujeeyey inaan cirbad is duro oo aanan ilmo oo dhan u dhalin aniguse middaas waa ka diidey waana isaga haray, ayay sheegtay.

Markaa kaddib waxaan ku fikiray inaan nafta iska qaado deeto waxaam galay musqusha waxaana ku arkay shaanbada muqsusha lagu dhaqo waana Cabay.

“Jaceyl aan isaga u qabo dartois ayaan u cabay sunta.” Ayay ku calaacashay iyadoo ooyaysa Hasal Axmed.

Ugu dambayntii suntii waa layga daweeyey. Jacaylka aan u qaaday wiilkaas xiitaa heer waxaan gaarey markii lasoo waco taleefanka aan anigoo qaawan kasoo baxo suuliga. Qofwalboo isoo wacaya ..isaga ayaan u haystaa.

Balse waxaan ku diiday wiilkaas inuu igu yiri Ilmo marabo ee is dur cirbada uurka ka hortagta.

Xigasho: Cabdicasiis Daacad

Hadalsame Media