Wasiir lagu xukumay in meel fagaare ah lagu JEEDLO & Waxa uu sameeyey

0

(Kuala Lumpur) 10 Nof 2023 – Wasiir ka tirsanaan jirry xukuumadda ayaa lagu xukumay karbaash iyo toddobo sano oo xabsi ah gudaha Malaysia, kaddib markii lagusoo eedeeyey musuqmaasuq, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ihi, Khamiistii.

Syed Saddiq Syed Abdul Rahman, Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa lagu helay eedeymo la xariira jebinta kalsoonida dadwaynaha, lunsashada hanti iyo labo dacwadood oo lacag dhaqid ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 30-jirkan laba jeer lagu dhufan doono ul ka samaysan khasabka sonkorta laga sameeyo, taasoo ka dhigaysa siyaasigii ugu horreeyey ee xukun karbaash ah lagu rido dalkaasi.

Marka lagasoo tago jeedlidda iyo 7-sano oo xarig ah, Syed Saddiq waxaa sidoo kale lagu xukumay ganaax lacageed oo u dhigma $2.13 milyan oo Shillin.

Yeelkeede, Wasiirkii hore ayaa beeniyey eedeymahan loosoo jeediyey, waxaana uu soo gudbiyay racfaan.

Garaacista qofka lagu karbaasho ul khasab ah oo misna la qooyey, waa nooc ka mid ah ciqaabta jireed ee dembiilayaasha lagu xukumo Malaysia gudaheeda taasoo uu dheer yahay xabsi.

Waxaa loo adeegsadaa dembiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin wax isdaba marinta, dhaca hantida guud iyo gaarba, kufsiga, iyo afduubka.

Hadalsame Media