Golaha Ammaanka ee QM oo hakiyey bixitaankii Ciidammada ATMIS ee Somalia + Sababta

0

(New York) 10 Nof 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa hakiyey muddo saddex bilood ah ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sababta tillaabadan loo qaaday ayaa ah inay Somaliq ka socdaan dagaallo ay DF kula jiraan kooxda ka tirsan ururka Al-Qaacida ee AS ee ku sugan Bariga Afrika.

Go’aankan ayaa daba socda codsi ka yimid dalkan dhaca Geeska Afrika oo ku aaddan in ciidamadu ay sii joogaan dalka si ay gacan uga gaystaan ​​dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Codsiga Soomaaliya waxaa taageeray Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka.

Waxayna isku raaceen in muddo 90 maalmood ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika oo haatan gaaraya 19,000 oo askari, balse waxaa dhici karta inaysan 3 bilood ku fillaanin.

Bishii Abriil ee sanadkan 2023, Golaha Ammaanka ee QM ayaa jeexay qorshe ciidankii AMISOM looga dhigayo kuwo kala-guur ku jira waxaana loogu wanqalay magaca ATMIS, si ay dalka uga wada baxaan Diseembar 2024.

Hadalsame Media