9 cunto oo ay Soomaalidu aad u badsato oo hoos u dhiga hammada ragga & Dumarka

0

(Hadalsame) O7 Nof 2023 – Ma ogtahay inay jiraan noocyo cunnada ka mid ah oo hoos u dhiga hamiga kacsiga?

Sida la aan la soconno cunnada aad cunto waxay saamayn ku leedahay hammadaada. Lohodka iyo miraha farawlaha (strawberries) waxay kordhiyaan hamiga kacsiga, sidoo kale kale toontu waxay wanaajisaa qulqulka dhiigga, sidaas awgeed waxay kordhisaa doonista jinsiga ah. Dhinaca kale waxaa jira noocyo cunnada ka mid ah oo hoos u dhiga qulqul dhiigga, hamiga kacsigana yareeya waxaana ka mid ah.

Hilibka cas

Hilibka waxaa ku jira hormoonno iyo qallajiyeyaal dheeraad ah, taas oo saamaysa dheelitirka heerka hormoonnada dabiiciga ah ee ragga haddii cunistiisa aad loo badsado.

Burcadka (cheese)

Cunista cheese-ku waxay ragga iyo dumarka ku keeni kartaa cillado hormoonnada ah iyadoo saamaynaysa hormoonnada “testosterone” iyo “oestrogen” taas oo yareysa kacsiga.

Caleenta naacnaaca (mint)

Maadada “menthol” ee ku jirta caleenta naacnaaca waxay yaraysaa heerka hormoonka testosterone, taas oo hoos u dhigta rabitaanka galmada.

Cunnooyinka shiilan

Marka laga soo tago in cunnooyinka shiilan ay u daran yihiin caafimaadka, cunnooyinka dufanka badan badan waxay dhaawacaan rabitaankaaga galmada. Inta badan cunnooyinka shiilan waxaa ku jira dufanka loo yaqaanno “trans-fat” oo la ogyahay halista uu wadnaha u leeyahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha u xiro islamarkaana xumeeyo qulqul wareegga dhiigga. Sidoo kale, dufankaan wuxuu yareeyaa hamiga kacsiga ee ragga iyo dumarka isagoo sababa soo saaridda shahwo cilladaysan, islamarkaana saameeya dhalmada dumarka. Dufankaan wuxuu kaloo kordhiyaa khatarta cayilka xad dhaafka ah, taas iyana kordhisa halista cudurrada dhiig karka iyo sonkorowga. Labadaan cudur waxay saamayn baahsan ku yeeshaan galmada.

Daangada lagu dubay microwave-ka

Daangada lagu dubo qalabka microwave-ka waxay dhaawici kartaa rabitaanka galmada. Bacaha daangada waxaa ku jira asiidh la yiraahdo “perfluoroalkyl” kaas oo yareeya shahwada ragga, kacsiga dumarkana hoos u dhiga

Corn flakes

Inkastoo corn flakes-ku uu yahay quraac caafimaadka uroon, haddana khubaradu waxay ku talinayaan in aan la cunin galmada ka hor ama in lagu darsado cunnooyinka kor u qaada hamiga kacsiga sida mooska, qorfaha ama xoogaa malab ah kuwaas oo kordhiyaa soo saaridda hormoonnada testosterone iyo oestrogen.

Macmacaanka badan

Sonkorta badan waxay dili kartaa hamigaaga kacsi maadama ay khalkhaliso hormoonnada. Sonkortu waxay kordhisaa insulin-ta taas oo la xiriiriyo hoos u dhaca heerka hormoonka testosterone. Sidoo kale sonkorta waxaa lala xiriiriyaa inay kordhiso stress-ka, tamartana ay yarayso.

Milixda badan

Haddii hammadaada ay hoosayso, fiiro gaar u yeelo qaadashadaada sodium-ta. Milixda iyo cunnooyinka ay ku badan tahay waxay kordhiyaa cadaadiska dhiigga taas oo dhaawici kartaa hammadaada.

Kacsanaanta cadaadiska dhiiggu waxay ka qayb qaadataa kacsi la’aanta ragga iyo hamada oo ragga ka guurta.

Cabitaannada aashitada leh

Macmacaanka macmalka ah ee ku jira cabbitaannada aashitada leh gaar ahaan midka loo yaqaanno “aspartame” wuxuu yareeyaa heerka hormoonka “serotonin”, kaas oo door wayn ka ciyaara dareenka fayow-qabka iyo farxadda. Cilmi baarayaashu waxay sheegeen in “serotonin” oo jirka ku yaraadaa ay keento in hamiga kacsiga ee ragga iyo dumarka uu hoos u dhaco.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media