”Somalia waa wada noocaas” – Somaliland oo Maraykanka ku beer dulucsanaysa hadalkii RW Xamse & Hay’ad arrintaa ku dhaliishay

0

(Hadalsame) O7 Nof 2023 – Raiisal Wasaaraha XF Somalia, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inaanay marna ogolaan doonin in ururka Xamaas lagu tilmaamo argagixiso, sida ay rabaan dalalka Galbeedku.

”Xoogagga Falastiin ee Xamaas argaggaxiso ma aha. Waa urur xoraynaya dalkooda. Waxay rabaan ha dhahaan reer Galbeed, wixii ka dhacaya ha ka dhacaan, ma dhegaysanayno…wax kasta hadday dhacaan…Kurka haddii naga la jarayo: YEELI MAYNO. waa mujaahidiin.” ayuu isagoo qiiraysan ku qayliyey RW Xamse.

Waxaa haatan hadalkaa oo ay aad uga xumaadeen reer Galbeedku, fursad ka raadinaysa Somaliland oo doonaysa inay hadalka RW Xamse u adeegsadaan inay beer-jileec uga helaan Maraykanka iyo Sahyuuniyadda caalamiga ah, iyagoo ku doodaya in aragtida Xamse ay wada qabaan dadka Soomaaliyeed oo ay laftoodu ka mid yihiin.

Von Batten-Montague-York, L.C., ayaa sheegtay in loobiyo u doodaya Somaliland ay si aan kala joogsi lahayn Maraykanka ugu cadaadinayaan in hadalka RW Xamse uu yahay mowqifka guud ee Somalia, taasoo ay hay’addani sheegtay inay la hardamayso.

”Erayada Ra’iisul Wasaaruhu waa kuwo isaga u gaar ah, waxaana ka shaqaynaynaa si aan kala joogsi lahayn si aan u hubinno in xubnaha Congress-ka, deeq bixiyayaasha caalamiga ah, iyo Maamulka Madaxwaynuhu ay taa gartaan,” ayay tiri hay’addu.

”Waxaan rumaysan nahay in sida saxda ah in la sameeyo ay tahay in Maraykanku uu la shaqeeyo Soomaaliya iyo dalalka kale ee Muslimiinta u badan si loo dhammeeyo colaadda, loo riixo nabadda, loona badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan.” ayay raacisay Von Batten-Montague-York, L.C.

Si kastaba, tan qosolka badani waa in MW Maamulka Somaliland uu laftiisu jeediyey khudbad uu ku taageerayo shacabka Falastiin, islamarkaana uu ku dhaliilayo weerarka ay Qasa ku hayso Israel.

Waxaa kale oo ceeb lagu tilmaamay in qaddiyad ummad Muslimiin ah la iskugu adeegsado dano siyaasadeed oo gaaban.

Hadalsame Media