Somalia oo u tartamaysa kursi caalami ah oo siin kara mudnaan gaar ah

0

(New York) O7 Nof 2023 – Dowladda Soomaaliya ayaa tartan ugu jirta sidii ay kursi aan joogto ahayn uga heli lahayd Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, xilkaas oo haddii ay Soomaaliya ku guulaysato ay sii hayn doonto illaa 2026.

Kursiga ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah mid loo qoondeeyey Afrika, gaar ahaanna waxa uu noqon doonaa mid loogu tala galay wadan ku yaalla Bariga Afrika, balse waxay u baahan tahay ducada AU.

21-ka bishan, Soomaaliya waxa ay rajaynaysaa in Midowga Afrika uu u ogolaado in ay noqoto musharraxa Afrikaanka ah ee u ordaya kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey 2025-2026.

War Saxaafadeed kasoo baxay ergada Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxaa lagu aamini karaa inay hoggaamiso ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee UNSC, sidoo kale waxay u hoggaansami doontaa mabaadii’da iyo axdiga Qaramada Midoobey si loo dhiso waxa lagu sheego nabad, xasillooni iyo nidaam caalami ah oo barwaaqaysan, waloow ay QM wax ka qaban la’dahay inta badan dhibaatada dunida taalla iyo kuwa gaysanaya.

Doorashada kursigan oo ah 5 ka mid ah 10-ka kursi ee aan joogtada ahayn, ayaa dhici doonta bartamaha sanadka 2024-ka, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Waddamada guulaysta ayaa waxay deeto ku biiri doonaan tobanka waddan ee haysta kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka muddo laba sano ah, laga bilaabo Janaayo 2025 ilaa 2026.

Kursigan ayaa Somalia labadaa sano siinaya mudnaan & maqaam caalami ah, gaar ahaan xilliyada loo xusul duubayo codadka Golaha Ammaanka ee QM oo ay inta badan ku falaadaan 5 dal oo leh awoodda diidmada qayaxan ee VETO.

Hadalsame Media