Wiil wata magaca Soomaali oo ay edebdarradiisa aad uga dacwoonayaan shacabka Japan & Dowladda oo xabsiga dhigtay (Daawo)

0

(Hadalsame) O5 Nof 2023 – Youtuber-ka caanka ah ee Johnny Somali ayaa si rasmi ah eedeymo loogu soo oogay dalka Japan oo dhowaan lagu xiray.

Ninkan ayaa markii ugu dambeysay ee la xirayay waxaa loo heystay inuu muusiko cod dheer ka dhex shiday makhaayad ay dad ka buuxeen.

Arrintan keligeed, ayaan dalkaas ka ahayn wax lagu eedeyn karo, balse waxaa jira eedeymo kale oo loo heysto.

Johnny Somali ayaa si joogto ah muuqaallo uga soo duubi jiray gudaha Japan.

Bishii lasoo dhaafay ayaa la xiray kaddib markii uu rabshad ka sameeyay maqaayadda Osaka.

Maamulka magaalada ayay gaartay arrintan, iyadoo mid ka mid ah wasiirrada Japan uu sheegay in Johny uu carqaladeynayo bulshada uuna dhibaato ka dhex abuurayo.

Ninkan oo la sheegay inuu yahay Soomaali-Ameerikaan ayaa isku sheega in yaraantiisii uu askar ahaa, isla markaana uu yahay burcad-badeed sida ku xusan bartiisa Youtube-ka.

Johny

XIGASHADA SAWIRKA,JOHNY SOMALI/YOUTUBE

Johnny Somali ayaa cambaareyn kala kulmay muuqaalladiisa oo dadka qaar ay ku eedeeyaan in hadallo cunsuriyad ay ku dheehan tahay uu dadka ku dhoho, dhaqankooda uu ku maadeysto, haweenka uu dhibo isla markaana buuq uu ka abuuro meelaha ay dadku isugu yimaadaan.

Muuqaal kiis ayuu ku sheegay in aabihiis uu yahay Soomaali halka hooyadii ay tahay Itoobiyaan, “waxaan doonayaa in aan hal wax caddeeyo, aabahay waa Soomaali hooyadayna Itoobiyaan, hooyaday waa Oromo,” ayuu yiri.

Waxaa muuqaalladiisa qaar lagu arkaa dadka oo la dagaalaya isaga, sababo la xiriira hadallada uu ku yiraahdo.

Ninkan ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa jasiiradda Bali oo qaaradda Aasiya ka tirsan, iyadoo dadka ay diidmo ka muujinayeen imaanshihiisa kaddib, dhacdooyin kuwaas la mid ah oo lagu eedeeyay inuu ka sameeyay dalka Japan.

Muxuu ka sameeyay Japan?

Johny

XIGASHADA SAWIRKA,JOHNY SOMALI

Marka la eego muuqaallada uu soo dhigo barihiisa bulshada, Johnny Somali wuxuu ku sugnaa dalka Japan bilihii May iyo June ee sanadkan. Inkastoo markaa kahor uu waqti dheer ku qaatay dalka Thailand.

Dhowr muuqaal oo uu bartiisa YouTube soo dhigay, Johny waxaa la arkayay isagoo meelaha ay dadku isugu yimaadaan ku qaqashaadaya haween, isla markaana ku dhahaya hadallo ‘dumar nacayb ah iyo kuwo cunsurinnimo ku dheehan tahay’.

Johnny Somali ayaa sidoo kale intii uu Japan ku sugnaa la arkayay isagoo dhibaya dhalinyaro ku sugnaa tareen dhexdiisa, isagoo kala hadlayay arrimaha Hiroshima iyo Nagasaki (magaalooyin Japan ku yaalla oo Mareykanku bamboo ku weeraray sanadkii 1945), isagoo dhahaya “Waan sameyn karnaa mar kale.”

Mid ka mid ah rakaabka, oo sheegay inuu asal ahaan Kuuriyaan yahay uuna heysto dhalashada Mareykanka, ayaa la murmaya kana codsanaya inuu xushmad muujiyo.

Dhowr muuqaal, Johnny Somali uma muuqan mid ka qoomameynaya ficilladiisa, isagoo sheegay inuuba ka helo falcelinnada ka dhasha muuqaalladiisa uuna kuba sii caan-boxo.

Waxaa sidoo kale jirtay in qudhiisa dhibaato ay soo gaartay , oo marka ay dadku aqoonsadaan uu khatar u galo in lala dagaallamo.

Mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa Twitter-ka kusoo qoray “Johny Somali ayaa halkan lagu arkay isagoo labo gabdhood oo Japan u dhashay ugu yeeraya inay fool xun yihiin sababtoo ah ma aysan dooneyn inay ka soo dhex muuqdaan muuqaalkiisa”.

Haatan wuxuu ku sugan yahay jasiiradda Bali, imaanshihiisa toddobaadkii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada jasiiraddaas ka dhex abuurtay dood, iyadoo dadku ay muujinayeen inay ka war hayaan taariikhdiisa.

Inkastoo weli uusan gudaha jasiiradda ka abuurin sida falcelinnadii ka dhashay safarkiisii Japan, haddana mar uu booqday xeebta Bali.

Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo la hadlaya labo nin oo xeebta ku sugan, kadibna ay murmayaan.

BBC

Hadalsame Media