”Soomaalidu waa dad mabda’ leh” – Shacabka Carbeed oo si xamaasad leh uga fal-celiyey hadalkii RW Xamse (Daawo)

0

(Hadalsame) O5 Nof 2023 – Dadwaynaha Carbeed ayaa si wayn uga fal-celiyey hadalkii RW Xamse Cabdi Barre uu ku dhiirradey inuu diido in argagixiso lagu tilmaamo Xamaas oo dhulkeeda difaacaysa.

”Xoogagga Falastiin ee Xamaas argaggaxiso ma aha. Waa urur xoraynaya dalkooda. Waxay rabaan ha dhahaan reer Galbeed, wixii ka dhacaya ha ka dhacaan, ma dhegaysanayno…wax kasta hadday dhacaan…Kurka haddii naga la jarayo: YEELI MAYNO. waa mujaahidiin.” ayuu isagoo qiiraysan ku qayliyey RW Xamse. Sii aqriso….

Haddaba, dadwaynaha Carbeed ayaa ka fal-celiyey hadalka RW Xamse oo ay si wayn usoo dhoweeyeen, iyagoo salaan iyo hambalyo usoo diray shacabka Soomaaliyeed iyo DF.

”Waxaan weli xusuustaa dagaalkii 1993-kii aad Maraykanka la gasheen. Waxaad tihiin geesiyaal.” ayuu soo qoray Axmed Rabeh.

”Shacabka Soomaaliyeed waa geesiyaal, ma illoobayno sidii ay noola safteen annaga ka Eritrea ahaan ilaa aan xornimo ka helno.” ayuu yiri Ibrahim Salih.

”Waxaa waajib ah inaan la ilaaliyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Cisaam Tarqaawi.

”Ciraaqi ayaan ahay… Soomaalidu waa walaalo qaali ah, mana ka tanaasulaan mabda’ooda Islaamka.” ayay tiri Faadma.

”Waxaan Aljeeriya kasoo salaamayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda sharafta leh.” ayay soo qortay Amine Pajiro.

”Waxaan ahay reer Falastiin, waxaan u mahadcelinayaa walaalaha Soomaaliyeed sida ay noo garab taagan yihiin.” ayuu yiri Ayman Kancaan.

”Geesinnimadu kama timaado adoon kursi iyo mansab ku fadhiya, kuwa wax iska caabinta ku tilmaamaya argagixisanimo, waxaan leeyahay madaxda Carabtu idinka ha idinka bartaan inaad runta sheegtaan. Salaan Masaari ah ayaan u dirayaa Soomaaliya iyo dawladnimadeeda.” ayuu yiri nin Masri ah.

”Soomaalidu waa dad leh mabda’ iyo qiyam.” ayuu yiri nin kale oo isna adeegsadey user, sida ninkan hore.

Halkan hoose kasii eeg….

Hadalsame Media