Taageerayaasha AC Milan oo Gaza u hiilliyey & Micnaha farriinta ay soo qoreen

0

(Milano) O4 Nof 2023 – Taageerayaasha kooxda AC Milan ee Curva Sud ayaa caawa taageero iyo hiillo u muujiyey shacabka Marinka Gaza oo ilaa 7-dii bishii hore ee Oktoobar lagu hayo duqaymo arxan la’aan ah oo aan kala joogsi lahayn.

Israel oo weli Qasa duqaynaysa ayaa beegsatay dugsiyada, hoyga, aagagga cisbitaalka iyo ambalaasyada. Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay duqaymahan ugu dambeeyey ee loo gaystey iskuul ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabalia, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Haddaba, taageerayaasha Milan ee Curva Sud ayaa farriin kulul diray iyagoo ka dhiidhinaya duqaymahan oo 70% ay ku dhimanayaan carruur iyo haween si kas ah loo xasuuqayo.

Waxay boor kusoo qoreen: “Aamus marka ay carruurtu hurdaan maya marka ay dhintaan. Jooji dhamaan dagaallada.”

Hadalsame Media