”Hadda bal eeg waxa dhaqaalohoodii ku dhacay” – MW Putin oo ku digtey EU isagoo ku faanay arrin ku cusub dhaqaalaha Ruushka

0

(Moscow) O4 Nof 2023 – Wadamada reer Galbeedka, oo horey ugu adkaystay in Ukraine ay kaga adkaato Ruushka goobta dagaalka, ayaa si tartiib tartiib ah u bedelaya mowqifkoodii arrintaa ku aadanaa, sida uu sheegay Madaxwayne Vladimir Putin Jimcihii.

“Hadda waxay beddeleen heesahoodii (mowqifkoodii), iyagoo sheegaya waxyaabo kala duwan,” ayuu hoggaamiyaha Ruushku u sheegay xubnaha Rugta Madaniga ah ee Civic Chamber, oo ah hay’ad bulsho rayid ah oo loo xilsaaray inay Dowladda Federaalka kala taliyaan siyaasad-dejinta.

Putin waxa uu ku dooday in qaranka Ruushku uu noqday mid hadda sidii hore ka xoog badan dhinac walba, taasoo ay ku jiraan dhaqaalaha, millateriga, iyo xasilloonida siyaasadeed. Awoodda noocan oo kale ah waxay ka hortagtaa in kuwa cadawga ahy ay isku dayaan inay go’doomiyaan Ruushka, ayuu yiri.

“Waxay (qaramada EU) Ruushka ka saareen suuqa tamartooda. Haddaba waa maxay? Maxay natiijadu tahay? Wax-soo-saarkeenna ayaa kori doona [ilaa] 3% sanadkan, halka dhaqaalahooda dalalka hormuudka u ah dhaqaalaha Midowga Yurub uu sii shiiqayo,” ayuu xusay.

“Way dhibban yihiin; waxayna qabaan dhibaatooyin dhab ah,” ayuu Putin hadalkiisa ku daray, isagoo xusay inuu hadalkan sheegay isagoo aan ku faraxsanayn. “Tani macnaheedu maaha inaan u dhaqmayno si hujuumi ah.

”Waxay la macno tahay inaynu noqonno kuwo madaxbannaan marka la eego macno kasta oo uu ereygani leeyahay,” ayuu hadalkiisa raaciyey, isagoo sidoo kale ka hadlay in dhaqaalaha Ruushku aanu hadda kaddib ku tiirsanaan doonin shidaalka uun.

“Waddanka wax soo saarka wershaduhu waxay horraanba ka yihiin 43% qaabdhismeedka kobaca dhaqaalaha, marka waa dhamaatay [in aan ahaanno] sidii ay mar noo sheegeen … ‘kaalin shidaal’, oo aynaan ahayn dhaqaale jira.” ayuu ku dooday Putin.

Hadalsame Media