”Askarta aad soo dirteen waxaad dib ugu guri doontaan baco madow” – Xamaas oo sheegtay in dagaalka Qasa uu ”inkaar” ku noqon doono IDF

0

(Hadalsame) O4 Nof 2023 – Howlgalka dhulka ee Israel ee kasii socda Gaza ayaa cawaaqib xun ku yeelan doona Galbeedka Quddus, sida uu garabka millateri ee Xamaas, ee Guutada Al-Qassam, ay sheegay Khamiistii, iyadoo ay soo xiganayso AFP.

“Qaza waxay noqon doontaa inkaarta taariikhiga ah ee Israa’iil,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay kooxdan, Abu Cubeyda, oo sidaa ku sheegay khudbad maqal ah, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka AFP.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa ku sheegay in Israa’iil ay filan karto khasaare xooggan oo soo gaaraya ciidamadeeda, isaga oo intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah askarta Israa’iil ay kusoo laaban doonaan “baco madow”.

Ilaa hadda, Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa xaqiijiyey dhimashada 17 ka mid ah askartooda oo ku baxay howlgalka socda. Horraantii Khamiistii shalay, afhayeenka IDF Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamada Israel ay si buuxda u hareereeyeen magaalada Gaza ee qaybta woqooyi ee go’doonsan.

“Askarta Israa’iil waxay dhamaystireen hareeraynta magaalada Gaza, oo ah xarunta ururka argagixisada ee Xamaas,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale meesha ka saaray fikradda xabbad joojin mustaqbalka dhow. “Fikradda xabbad-joojintu hadda miiska ma saarna gebi ahaanba.” ayuu ballanqaaday Hagari mar wax laga waydiiyay arrintaasi.

Hadalsame Media