”Waa in dhulka laga waayaa calan Falastiin leedahay” – Israel oo sheegtay inay NUKLIYEER u adeegsan karto Gaza

0

(Tel Aviv) O5 Nof 2023 – Wasiir Israa’iili ayaa Axaddan maanta ah sheegay in in hubka nukliyeerka ah lagu isticmaalo Marinka Gaza ay “ikhtiyaar u furan” dagaalka ay Tel Aviv ku hayso Falastiiniyiinta go’doonsan.

Amichai Eliyahu waxa uu ka tirsan yahay xisbiga midigta-fog ee Otzma Yehudit (Awoodda Yuhuudda), oo uu hoggaamiyo Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil oo ah xag-jirka Itamar Ben-Gvir (sawirka sare), waxaana uu ahaa Wasiirka Hiddaha ee Dowladda Israa’iil tan iyo 2022-kii.

“Ma jiraan dad aan kuwo dagaallama ahayn oo Gaza jooga,” ayuu Eliyahu u sheegay Radio Kol Berama xilli ay tirada dhimashada ee duqaymaha Israa’iil ee Gaza ay ku dhowdahay 10,000 – kuwaasoo ay ku jiraan 3,900 oo carruur ah.

Mar la waydiiyey haddii ay sidaas darteed ay bannaan tahay in weerar Nukliyeer ah lagu qaado Gaza, wuxuu ku jawaabay: “Taasi waa hal waddo… taasi waa ikhtiyaar noo furan.”

Eliyahu waxa kale oo uu Falastiiniyiinta la barbar dhigay Naasiyiintii Jarmanka isagoo si cad u ansixiyey ciqaab wadareed la saaro, isagoo u sheegay idaacada “ma aanan siin lahayn gargaar bini’aadminnimo Naasiga…ma jiraan wax la yiraahdo dad aan dagaalka ku lug lahayn oo jooga Gaza.”

Siyaasigan midigta fog ayaa intaa ku daray in Gaza aysan xaq u lahayn inay sii jirto, wuxuuna sheegay in qof kasta oo lulaya calanka Falastiin ama Xamaas “uusan kusii noolaan oogada dhulka.”

Wuxuu xitaa soo jeediyey in dadka intiisa kale ee ku nool Gaza “ay aadi karaan Ireland ama saxaraha,” taas oo u muuqata inay tahay jees jees ku fooggan taageerada joogtada ah ee ay Falastiin u muujiyaan in badan oo ka mid ah dadwaynaha Irish-ku.

Hadalsame Media