Ruushka oo markale caawinaya dalka Somalia & Waxa uu siinayo

0

(Moscow) O5 Nof 2023 – Moscow ayaa kordhin doonta kaalmada ay siinayso qaaradda Afrika, sida ay ku dhawaaqday Wasaarad Dibadeedka Ruushku.

Dhoofinta wax lagu sheegay ”badarka bini’aadminnimo ee Afrika”, ayay 6 waddan oo kale oo qaaradda ahi ay helayaan 200,000 oo tan oo sarreen ah dhamaadka sanadkan, sida ay ku dhawaaqday WaD dalkaasi.

Deeqahan waxaa loo qaybin doonaa dalalka faqriga ah ee Soomaaliya, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR), Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, iyo Eritrea, sida uu Alexey Polishchuk, oo ah Agaasimaha Waaxda Labaad ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka ee Barwaaqa Sooranka dalalka Madaxbannaan (CIS), u sheegay Wakaalada Wararka ee TASS.

Waxa uu intaa ku daray in Moscow ay sahayda kala shaqaynayso Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Cunnada Adduunka ee WFP, waxaana uu xusay in 20,000 oo tan oo bacrimin ah la geeyey Malawi, halka Kenyana la geeyey 34,000 oo tan.

“Oggolaanshaha seddex shixnad oo dheeri ah ayaa mareeysa heerkii ugu dambeeyey: waana 23,000 tan Zimbabwe, 34,000 tan Nigeria iyo 55,000 tan oo la siinayo Sri Lanka.” ayuu yiri.

Hadalsame Media