Warbaahinta Galbeedka oo ”kashiftay” sababta keentay inuu deg deg u dhinto RW hore ee Shiinaha (Yay is hayeen?)

0

(Hadalsame) O5 Nof 2023 – Sabtigii hore ayaa waxaa soo baxay warka sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Shiinaha Li Keqiang uu si faj’o ah oo lama filaan ah ugu geeriyoodey magaalada Shanghai. Wuxuu ahaa 69 sano jir.

Li waxa uu kasoo shaqeeyey doorka Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha – oo ah darajada labaad ee ugu sarreysa siyaasadda Shiinaha – in ka badan toban sano, kahor inta uusan xilka wareejin bishii Maarso ee sanadkan 2023.

Waxa uu xirfad ahaan uu sidoo lale ahaa dhaqaaleyahan xagga ganacsiga ah oo soo maamulay dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu wayn.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaan ka laba-labayn inay siyaasadeeyaan geeridiisa, iyaga oo qaabaynaya noloshiisa iyo dhaxalkiisa siyaasadeed iyada oo la eegayo khilaafkii muuqdey ee kala dhexeeyey hoggaamiyaha Shiinaha ee Xi Jinping.

Waa maxay sababtu? Waayo, Li wuxuu ahaa u doodaha dib-u-habayn iyo furfuritaan lagu sameeyo siyaasadda Shiinaha, taasina waxay jartay jidka hoggaamiye Xi Jinping oo ah nin in dhowaalaba si firfircoon u xakamaynayey in lagula gorgortamo xukunka siyaasadda, sida ay wax u qorayso warbaahinta Galbeedku.

Waxaa ay cinwaannada warbaahinta Galbeedku diiradda saarayaan sida Li u go’doomiyey “Xi Jinping”  iyo wixii ka muuqdey duugtii Li oo ay dadku caalwaa iyo qanaaco la’aan ka muujinayeen, sida ay qoreen.

Xi Jinping ayaa xitaa duugta Li ka jeediyey hadal sogordahan oo si dadban ula hadlaya dadka ay ku jirto mucaaraddadda siyaasadeed.

Hadalsame Media