Erdogan oo tillaabo shakhsi ah ka qaaday Netanyahu & Turkiga oo u yeertay Danjirihiisii Israel

0

(Ankara) O5 Nof 2023 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa u jaray xiriirkii uu la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu, sababo la xiriira duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israa’iil ay ku hayso Qaza, sida uu saxaafadda u sheegay isagoo kasoo duulay shir madaxeedka Kazakhstan Sabtigii.

“Netanyahu hadda ma ahan qof aan la hadli karno. Waan ka quusannay,” ayuu yiri Erdogan, sida ay baahisay warbaahinta Turkiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa sidoo kale Sabtigii ku dhawaaqday inay u yeertay Safiirkeedii u fadhiyey Israa’iil, Sakir Ozkan Torunlar, “iyadoo la yeelayo musiibada bini’aadminnimo ee Gaza ka taagan ee ay sababeen weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo diidmada Israel ee baaqyada xabbad-joojinta iyo fasaxa gargaarka bini’aadminnimo oo joogta ah oo aan hakad lahayn.”

Yeelkeede, Erdogan ayaa ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu aanu gebi ahaanba joojinayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Israa’iil. “Gebi ahaan xiriirka lama jari karo, gaar ahaan diblomaasiyadda caalamiga ah,” ayuu yiri.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in madaxa Hay’adda Sirdoonka Turkiga ee Ibraahim Kalin uu hormuud u yahay wada xaajoodka lala galayo Israel ee ku aaddan Xamaas.

Hadalsame Media