”Waxaan u adeegsan doonnaa awood kasta oo aan leennahay” – Israel oo furka ku xoortay qorshaha Elon Musk & Jawaabtiisa

0

(Hadalsame) 29 Okt 2023 – Wasiirka Isgaarsiinta Israel ee Shlomo Kahri ayaa wacad ku maray in “Israa’iil ay isticmaali doonto wax kasta oo ay awooddo si ay ula dagaallanto” maamulaha iyo milkiilaha SpaceX ee Elon Musk oo qorshaynaya inuu internet-ka hawada ee Starlink geeyo Marinka Gaza.

“Xamaas waxay u isticmaali doontaa falal argagixisannimo,” ayuu Kahri ku sheegay qoraal uu soo dhigay X (ex Twitter-ka), isaga oo raaciyey “wax shaki ah kama jiro arrintaas, waan ognahay, Musk-na wuu og yahay.”

Yeelkeede, bilyaneerka tiknolojiyadda ka xoolaystay ayaa sheegay in uusan “sidaa doqon u ahayn,” isaga oo sharraxaya sida qorshaha lasoo jeediyey uu u shaqayn doono, isagoo ballanqaaday inuu “baaritaan amni la samayn doono labada Dowladood ee Maraykanka iyo Israa’iil kahor inta uusan shidin xitaa ishaarada hal terminaal.”

Horraantii Sabtigii shalay, Musk wuxuu sheegay inuu Gaza u furi doono shabakadda dayax-gacmeedka Starlink gaar ahaan “hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ee ka shaqeeya Gaza, kaddib markii mowjad duqaymo ah oo Israa’iil ay gaysatey ay gooyeen taleefoonkii ugu dambeeyey ee gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee dibedda.

Waa markii 2-aad ee uu Musk terminaallo Starlink ah u qorsheeyo goob dagaal kaddib Ukraine oo ay markii dambe isku dheceen kaddib markii uu diidey inay ciidanku adeeggiisa isticmaalaan.

Hadalsame Media