Iiraan ma awooddaa inay dagaal toos ah la gasho Israa’iil? (Maxaa kusoo kordhay cududdeeda?)

0

(Hadalsame) 29 Okt 2023 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si cad ugu digay Israa’iil – waa inay joojisaa weerarrada Qasa haddii kalena ay qaadi doonaan tallaabo.

Saacado gudahood kaddib, Iiraan ayaa beddeshay mowqifkeedii, iyadoo sheegtay inaysan soo faragelin doonin dagaalka Israaiil iyo Xamaas ilaa uu saameyn ku yeesho danaha Iiraan iyo muwaadiniinteeda.

Si kastaba, dagaalkan labada dhinac ah, ayay Iiraan markii ugu horreysayba sheegtay taageeradeeda ay u heyso kooxdan militari ee Xamaas iyo Falastiiniyiinta. Waxay sidoo kale uga digtay Israa’iil inay wajihi doonto cawaaqib-xumo.

Ku xigeenka taliyaha ciidamada Iiraan, ayaa ugu hanjabay Israa’iil in weerar gantaallo ah lagu qaadi doono magaalada Xayfa ee Israa’iil.

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ee Qasa ay sii socon doonaan, qofna uusan awoodin inuu joojiyo Muslimiinta, sida lagu sheegay war lagu daabacay Telefishinka Iran Press.

Su’aasha ayaa haatan ah in Iiraan, oo mar walba hanjabaado iyo digniinno usoo jeedisa Israa’iil, ay dhab ahaantii awood u leedahay inay la dagaasho Israa’iil.

Iiraan, Xamaas iyo Israaiil

Israa'iil

XIGASHADA SAWIRKA,EMPICS

Kacaanka Iiraan ee Islaamiga ah ayaa sanadkii 1979 qabtay hoggaanka wuxuuna loollan la galay dalalka Galbeedka. Wixii intaa ka dambeeyay, hoggaamiyeyaasha Iiraan ayaa ka hadlayay burburinta Israa’iil.

Si taa la mid ah, Iiraan dal uma aqoonsana Israa’iil. Waxay Iiraan sidoo kale Israa’iil ku eedeysaa sii wadidda heysashada dhulalka Muslimiinta.

Israa’iil, ayaa dhanka kale, u aragta Iiraan khatar. Waxay ku adkeysaneysaa in Iiraan ay dooneyso inay sameysato hub nukliyeer.

Inkastoo Iiraan iyo Israa’iil aysan xad wadaagin, xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa sii socota. Iiraan ayaa heysata taageerada Lubnaan, Suuriya iyo Falastiin oo xad la leh Israa’iil.

Kaddib markii ay Xamaas weerartay Israa’iil, Israa’iil ayaa ku eedeysay Iiraan inay saameynteeda u adeegsaneyso inay fuliso weerar ka dhan ah Israa’iil.

Warbaahinta reer-galbeedka ayaa sheegay in Xamaas ay wargelisay Iiraan kahor inta aysan weerarin Israa’iil. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaana booqday Ciraaq, Lubnaan iyo Qadar wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiil sare oo Xamaas ah kaddib markii uu weerarku billowday.

Inkastoo Iiraan aysan si toos ah uga dambeyn weerarka, khubarrada ayaa aaminsan inay Xamaas siisay gargaar, ay ka mid yihiin tababarka iyo hubeynta Xamaas.

Iraan mala dagaali kartaa Israa‘iil?

Iiraan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Professor Ashwini Mahabatra, oo ka faallooda arrimaha Aasiyada Galbeed waxna ka dhiga Jaamacadda Jawaharlal Nehru ee Delhi ayaa qaba:

“Iiraan ayaa horumarisay teknoljiyaddooda in ka badan sidii hore. Waxay heystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada dheer. Inkastoo Israa’iil ay iska caabbin karto, waxayse ka door bideysaa inay ka fogaato dagaal ay la gasho Iiraan.”

Israa’iil ayaa sidoo kale heysata hub. Waxaa sidoo kale taageera Mareykanka. Mar walba oo uu dagaal dhaco, Mareykanka ayaa taageera Israa’iil. Marka tan, uma maleynayo in Iiraan ay dooneyso inay dagaal toos ah la gasho Israa’iil ,” ayuu yiri.

Professor Pramanand Mirasra, oo wax ka dhiga Jaamacadda Islaamiga ee Jamia Millia ayaa qaba isla dood taas la mid ah: “Iiraan gebi ahaanba kuma lug yeelan doonto dagaal toos ah oo Israa’iil ay la gasho sababtoo ah Israa’iil waxaa taageera Mareykanka. Sidaa darteed, ma awooddo inay isku xilli la dagaasho labo dal. “

Waxaa intaa dheer, marka la eego dabiiciyadda siyaasadeed ee deegaanka ee Iiraan, ma oggolaaneyso inuu dalkaasi galo dagaal toos ah.

Xamaas iyo Xisbullah miyaa u khatar badan Israa’iil?

Iiraan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Iiraan iyo Israa’iil ayaa muddo dheer ay xiisad ka dhaxeysay. Labada dal ayaa ka fogaaday dagaal toos ah, inkastoo labadoodaba ay qaadeen weerarro aargoosi ah.

Iiraan ayaa sii wadda taageerada kooxaha hubeysan ee bartilmaameedsanaya Israa’iil – waxay taageertaa Xamaas-ta Qasa iyo Xisbullaahi-da Lubnaan.

Si taa la mid ah, kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku dhawaaqday in haddii Mareykanku si toos ah usoo farageliyo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, ay ka barbar dagaallami doonaan Xamaas.

Xuutiyiinta waxaa sidoo kale taageerta Iiraan.

Mar uu la hadlayay baarlamaanka dalkaas, raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diginin u diray Xamaas iyo Xisbullaah. Labadan koox ayaa loo arkaa inay wakiillo u yihiin Iiraan.

Ashwini Mohapatra ayaa yiri, “Mareykanka iyo Israa’iil ma doonayaan in saameynta Iiraan ay kusii ballaarato gobolka galbeedka Aasiya. Taasina waa sababta ay gaar ugu riixayaan Iiraan.”

Khubarrada ayaa aaminsan in kooxaha hubeysan sida Xisbullah ay khatar weyn ku yihiin Israa’iil si ka badan Iiraan.

BBC

Hadalsame Media