Maraykanka oo dembiilayaasha & Daroogiistayaasha booliis u qoranaya + Sabab yaab leh

0

(Washington, DC) 28 Okt 2023 – Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa ku boorrisay ciidamada booliiska inay shaqaalaysiiyaan dadka leh diiwaanada dembiyada, taariikhda isticmaalka maandooriyaha, iyo arrimo kale oo horay ugu diidayey in booliiska loo qoro.

Dokumeentiga waxaa soo aruuriyey Xafiiska Caawinta Cadaalada ee DOJ iyo Xafiiska Adeegyada Booliiska ee ku Jihaysan Arrimaha Bulshada iyadoo ay fikrado ka heleen daraasiin ka mid ah hoggaamiyayaasha bulshada iyo booliiska horraantii sanadkan.

Xilli ay booliisku ay dhibaato kala kulmayaan raadinta iyo qorista ciidan cusub oo ka bixi kara shuruudaha xirfadeed ee haatan jira, dokumentigu wuxuu usoo jeedinayaa waaxyaha booliisku inay si cad dib ugu eegaan diidmada musharraxiinta leh “diiwaannada dembiyada yaryar, gaar ahaan haddii ay dembiyadu dhaceen waqti dheer kahor.”

Xukunnada yar yar waxay u badan tahay inay yihiin natiijada “go’aamo yaryar oo aan caqli-gal ahayn” oo la sameeyay kahor inta aysan maskaxda musharraxu si buuxda u qaan-gaarin oo aanay awood u yeelan inay si buuxda u fahmaan cawaaqibka go’aamadaas, ayay khubarada booliisku ku doodeen, iyagoo ku adkaystay in dadkaa la siiyo “fursad ay isku nadiifiyaan.”

Intaa waxaa dheer, tattoo-yada muuqda iyo arrimaha kale ee “la midka ah” waa inaysan u diidin shakhsiga inuu ku biiro ciidanka, haddii aysan muujinaynin isla waynaan cunsuriyad ku salaysan.

Sidoo kale waa in la’aanta waxbarashadu aysan noqonin turunturrooyin qofka kahortaagan inuu booliiska ku biiro.

Hadalsame Media