MW Maraykanka oo gabbaad lagula cararay kaddib markii ay diyaaradi soo gashay hawada gurigiisa

0
Joe Biden built this lakefront house on 1209 Barley Mill Rd. in Wilmington, DE.

(Wilmington, DE) 29 Okt 2023 – Diyaarad rayid ah oo aan la aqoonsan ayaa ku xadgudubtay hawada xaddidan ee woqooyiga Wilmington, Delaware, oo u dhow guriga Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden Sabtigii, Waaxda Sirdoonka Maraykanka ee USSS ayaa sidaa sheegtay.

“Taxaddar ahaan, waxaa loo diray diyaarad, diyaaraddii rayidka ahaydna waxay si nabdoon ugu degtey garoon u dhow,” ayuu yiri Madaxa Warfaafinta ee USSS oo ku qaybsan ilaalinta madaxda, Anthony Guglielmi.

Shilkan ayaa dhacay wax yar kaddib 2-dii galabnimo ee Sabtigii isagoo Madaxwayne Biden ku sugnaa gurigiisa Wilmington, laakiin sida laga soo xigtey saraakiisha ammaanku, ma jiraan “wax saamayn ah oo ku yimid dhaqdhaqaaqiisa.”

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Sirdoonku waxay bilowday baarista dhacdadan, iyadoo la kaashanaysa Maamulka Duullimaadyada Federaalka.

Hadalsame Media