Jilaa caan ah oo u geeriyoodey qaab la yaab leh & Booliiska oo sharraxay waxa dhacay

0

(Los Angeles) 29 Okt 2023 – Jilaagii Maraykanka ahaa ee Matthew Perry, oo si wayn loogu yaqaaney doorkiisii ​​​​Chandler Bing ee musalsalkii 90-meeyadii ee ‘Friends’, ayaa maydkiisa laga helay berked kulul oo ku taal gurigiisa Los Angeles Sabtigii shalay, sida ay booliisku u sheegeen TMZ iyo NBC.

Maydka Perry ayaa lagu soo waramayaa in laga helay berked jacuzzi ah oo uu leeyahay gurigiisa oo ku yaal aagga u dhow LA, iyada oo aan cidna looga shakin, islamarkaana aan wax daroogo ah laga helin goobta, sida ay ilo-wareedyo booliis ahi u sheegeen TMZ.

Dhacdadan ayaa loola dhaqmay sidii “badbaadin biyood,” sida laga soo xigtey ilo booliis oo ay soo xigatey NBC. Ilaha booliiska ayaa sidoo kale dhimashada Perry u xaqiijiyey Rolling Stone.

Afhayeen u hadlay Waaxda Booliiska ee Los Angeles ee LAPD ayaa sheegay in askartu “ay qayldhaan ka jawaabeen 4:10 galabnimo ee shalay si baaritaan loogu sameeyo dhimashada nin 50 jir ah.”

Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaan xilligaa si rasmi ah u xaqiijin haybta gaarka ah ee qofka dhintay iyo faahfaahinta dhacdada.

Perry, oo ahaa jilaa Canadian-Maraykan ah, majaajiliiste, iyo soo saare, wuxuu ku dhashay Agoosto 19, 1969 Williamstown, Massachusetts wuxuuna ku koray Ottawa, Ontario halkaas oo hooyadiis oo Canadian ihi ku dhalatay.

Suzanne Morrison, oo ahayd weriye noqotay Xoghayaha Warfaafinta ee Raiisal Wasaarihii hore ee Canada Pierre Trudeau, ayaa halkaa u guurtey kaddib furiinkii iyada iyo Perry aabihiis, John Bennett Perry, oo isna ahaa jilaa Maraykan ah.

Perry ayaa Los Angeles usoo guurey isagoo 15-jir ah si uu u cayrsado mihnadda jilliinka.

Hadalsame Media