”Weerarka Xamaas iskama imaan” – QM oo runta u sheegtay Israel oo aad u xanaaqsan tillaabana qaadday (Dowlad Yurub ah oo taageertay QM)

0

(Tel Aviv) 26 Okt 2023Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay diidi doonto codsiyada fiisaha ee saraakiisha Qaramada Midoobey iyada oo ka aargoosanaysa hadallo uu jeediyey Xoghayaha Guud ee ururka, Antonio Guterres, oo toddobaadkan sheegay in weerarka Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar uusan ka imaan “ meel bannaan.”

“Hadallada [Guterres] awgeed waxaan diidi doonnaa inaan fiisooyin siino wakiillada Qaramada Midoobey,” Safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobey, Gilad Erdan, ayaa u sheegay Raadiyaha Ciidanka Arbacadii. “Waxaan horraanba u diidnay fiisaha Xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bini’aadminnimada, Martin Griffiths. Waxaa la gaaray waqtigii cashar loo dhigi lahaa.” ayuu raaciyey.

Diblamaasiga Israa’iil ah ayaa ku sheegay X (ex Twitter) in Guterres uu “muujiyey” wax uu ku sheegay u ”qiil samaynta argagixisanimada iyo dilka.”

Hadalka Erdan ayaa imaanaya kaddib khudbadii Guterres uu u jeediyey 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka Talaadadii, xilligaasoo uu dhaleeceeyey Israa’iil oo amar ku bixisay in dadka rayidka ah laga daadgureeyo woqooyiga Gaza oo loo diro koonfurta marinkaas go’doonsan.

Madaxa Qaramada Midoobey ayaa sheegay in weerarkii Xamaas ee horraantii bishan, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 1,400 oo qof oo Yuhuud ah – oo u badnaa dad rayid ah -, uusan ka dhicin “meel bannaan” iyo in dadka reer Falastiin ay ku hoos jireen 56 sano oo caburin ah.

Guterres waxa kale oo uu sheegay in jawaabta Israa’iil ee weerarka wadareed ee ay qaadday uu si wax ku ool ah u noqonayo “ciqaab wadareed” oo ah dembi dagaal sida lagu qeexay shuruudaha Axdiga Geneva.

Dhanka kale,  DF Jarmanka ayaa ka dhawaajisay inay taageersan tahay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Antonio Guterres xilli ay jiraan baaqyo ka imanayey Israel oo ku aaddan in Guterres uu iscasilo.

Hadalsame Media