Maraykanka oo Qadar faray in wax laga bedelo qaabka ay Al Jazeera u tebinayso dagaalka Gaza

0

(Hadalsame) 26 Okt 2023Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Antony Blinken oo ah nin Yuhuud ah ayaa ka codsaday Dowladda Qadar inay wax ka bedesho xiriirka ay la leedahay Xamaas, iyadoo laga bilaabayo qaabka uu Aljazeera uga hadlayso colaadda Israa’iil iyo Qaza, sida uu sheegay Axios Arbacadii.

Blinken ayaa lagu soo warramayaa inuu tan u daaha kaga qaaday koox ka mid ah hogaamiyayaasha bulshada Yuhuuda ee Maraykanka Isniintii, sida ay sheegeen saddex qof oo ka qayb galay kulanka oo la hadlay warbaahinta.

Diblomaasigan Maraykanka ah ayaa booqday Dooxa 13-kii Oktoobar, maalmo uun kaddib markii ay Xamaas galeen Israa’iil taasoo kiciyay colaadda ugu dambaysa ee haatan ka qaacaysa Bariga Dhexe.

Intii lagu guda jirey booqashada, sida laga soo xigtey ilaha Axios, Blinken wuxuu ka codsaday Dowladda Qadar inay “bedesho mowqifkeeda guud” ee Xamaas. Hal tusaale ayaa ah in uu sheegay “inay hoos u dhigi karaan codka Aljazeera sababtoo ah waxay dadka ku kicinayaan Israa’iil.”

Blinken ma uusan soo bandhigin wax tusaalooyin ah oo ku saabsan oraahda “hoos u dhigista.” Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa diidey inay ka hadasho warkiisa. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qadar iyana kama aysan jawaabin codsiyada Axios ee ah inay ka faallooto kiiskan. Aljazeera lafteeda ayaa iyaduna diiddey.

Israa’iil waxay ku eedaysay shabakaddan fadhigeedu yahay Dooxa inay “tahay afka dacaayadda u fidiya” kooxda falastiiniyiinta ee Xamaas, waxayna waddaa qorshe lagu mamnuucayo kanaalka.

“Dowladdu wax bay ka shaqaynaysaa,” afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Lior Haiat ayaa u sheegay wargayska Jerusalem Post usbuucii hore. “Fikradda ayaa ah haddii ay ka gudbayaan khadka cas si ay u caawiyaan Xamaas, waxaan xiri karnaa kanaalka oo dhan.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media