DEG DEG: “Xitaa sooma noqon kartid ilaa…” – Ninkii nuqullada Qur’aanka gubayey oo laga tarxiilayo Sweden

0

(Stockholm) 26 Okt 2023 – Ninka nuqullada Qur’aanka gubayey ee Salwan Momika ayaa la masaafurin doonaa, sida uu xaqiijiyey madaxa saxaafadda ee Wakaaladda Socdaalka Jesper Tengroth oo la hadlay Aftonbladet.

Momika ayaa sidoo kale laga mamnuucay inuu Sweden kusoo laabato muddo shan sano ah.

“Sababtu waxa weeye, inuu warbixin khaldan ka bixiyey sababaha uu ugu baahan yahay badbaadada qofeed ee codsigiisa sharciga,” ayuu yiri Tengroth.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha fulineed ee jira dartood, sharci ku meel gaar ah ayaa la siiyey laga bilaabo shalay (25-ka Oktoobar) ee sanadkan illaa 16-ka Abriil, 2024.

“Maadaama uu halis ugu jiro in dalkiisa loogu gaysto jirdil iyo tacadiyo ka baxsan bini’aadminnimada, hay’adda Laanta Socdaalku waxay u aragtaa in ay jiraan caqabado. Markaa hadda lama tarxiili doono,” ayuu yiri Jesper Tengroth.

“Wuxuu haystaa sharci ku meel gaar ah, markaa waa inaan dib u eegno haddii xaaladdu is beddesho ama haddii ay jiraan sababo lagu kordhin karo sharcigan,” Ayuu yiri

Momika ayaa isna sheegay inuu doonayo inuu racfaan ka qaato go’aankan.

“Kama tegayo Iswiidhan. Iswiidhan ayaan ku noolaan doonaa oo ku dhiman doonaa. Hay’adda Socdaalka waxay samaysay khalad wayn,” ayuu ku qayliyey.

“Waxaan tuhunsan ahay inay jiraan gacmo siyaasadeed oo qarsoon oo ka dambeeya go’aankan. Waxa aan tallaabo sharci ah ka qaadi doonaa Wakaalada Socdaalka.” ayuu Momika u sheegtay hilinka dadwaynaha ee SVT.

Hadalsame Media