”Dadka Gaza oo idil waa inay u yaacaan Masar!” – Siyaasi soo jeediyey in Gaza laga dhigo sidii Dresden & Dagaalkii 2-aad

0

(Tel Aviv) 26 Okt 2023Israa’iil waa inay Gaza dhulka la sintaa oo ay dhammaan Falastiiniyiinta u cayrisaa Masar si ay uga hortagto cadawgeeda, xubin ka tirsan xisbiga Likud ahna xildhibaankii hore ee Knesset-ka Moshe Feiglin ayaa ku sheegay waraysi Arbacadii.

Muuqaalkii ugu dambeeyey ee Feiglin ee TV-ga, kaasoo uu ku baaqay in loo duqeeyo Gaza sida magaalada Jarmanka ee Dresden Dagaalkii 2-aad ee Yurub, ayaa ku faaftay warbaahinta bulshada.

Isagoo la hadlayey Shabakadda Wararka Israa’iil (INN), Feiglin waxa uu ku calaacalay in 18 maalmood ay ka soo wareegtey weerarkii Xamaas iyo “in weli aanay ka aarsan, oo aanay islamarkiiba dambas ka dhigin Gaza!”

Ujeeddada deg dega ah ee Israa’iil waa inay noqotaa “burburinta Gaza; wixii Dhulka ka sarreeya iyo dusmooyinka dhulka hoostiisa mara. Kaliya markaa dira ciidanka,” Feiglin ayaa sidaa u sheegay INN.

”Hubiya in dhammaan dadka Gaza ay u yaacaan Rafax. Abuur dhibaato bini’aadminnimo oo aad u wayn. Dhulka la sima aagga oo dhan, si la mid ah waxaad ku samayseen Gush Katif iyo Yamit,” ayuu raaciyey. “Wax kasta oo taas ka yar, waa nalaku jebin doonaa, waxaanan heli doonaa waxyaabo la mid ah wixii nagu dhacay ama xataa ka daran.” ayuu yiri.

Gush Katif waxa ay ahayd degaan ay Israa’iil ku lahayd gudaha Gaza, waxaana burburiyey Dowladdii Ariel Sharon sannadkii 2005-tii, taas oo qayb ka ahayd ka bixitaankoodii dhulkaas.

Yamit waxay iyana ahayd degaan Yuhuuddu dhisatay oo ku yaalley Sinai, oo cagaf-cagaf la mariyey kaddib markii la kala saxiixday heshiiskii nabada ee Israel iyo Masar 1982-kii si dhulkaas dib loogu soo celiyo Masar.

Hadalsame Media