WhatsApp oo soo kordhisey hilinno iyo muuqaallo cusub oo lagu yaqaan Telgram & Facebook + Sida ay u shaqeeyaan?

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2023 – WhatsApp ayaa waxa ay soo kordhisey hilinno Channels la mid ah kuwa Telegram-ka, kuwaasoo aad ku baahin karto barnaamijyadaada nooc kasta.

“Waxaa maanta kanaalladan WhatsApp-ka laga bilaabay gudaha Hindiya waxaana gaarsiin doonnaa hab gaar ah oo ay dadku ku heli karaan wixii ku cusub.” Ayay tiri shirkadda Meta.

“Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa qaar ka mid ah dadka caanka ah ee aad jeceshahay, sida kooxaha isboortiga, fanaaniinta, hal abuurayaasha, dadka fikradaha hoggaamiya iwm ay dadku raaci karaan, isla gudaha WhatsApp.” Ayay raaciyeen.

SIDA AY U SHAQEEYAAN? Kanaalladani waa aalad baahineed oo ay dadku ku diri karaan qoraal, sawirro, muuqaallo, lifaaqyo, iyo codad.

Kanaallada waxaa sidoo kale laga heli karaa tab cusub oo la yiraahdo Updates on WhatsApp – halkaas oo aad ka heli doonto dad iyo hilinno ka duwan kuwii ku sheekaysiga qoyska, asxaabta, iyo bulshada oo aad raaci (folllow) karto.

Halkan kasii aqri….

Hadalsame Media