Maamulka SSC Khaatumo oo qaaday tillaabo aad loogu amaanay

0

(Laascaanood) 13 Sebt 2023 – Sidii aan dorraad qornayba Maamulka SSC Khaatumo ayaan xog ku helnay inay sii dayanaan qaar ka mid ah maxaabiistii 25-kii bishii tagtay lagu qabtay dagaalkii Goojacadde.

Waxaana ka mid ahayd in lagu wado in lasii daynayo ilaa 4 maxbuus oo ay ku jiraan 2 nin oo qaba dhaawacyo daran. Halkan kasii aqri warkii hore…

Waxaana haatan lasii daayey labadii nin ee qabey dhaawacyada daran ee ka mid ahaa afarta qof ee lagu bilaabayo sii daynta qaar ka mid ah maxaabiista heerka hoose ee ay hayaan Maamulka SSC, sida ay iminka faafisay Hay’adda Laanqayrta Cas ee caalamiga ah.

Waxaa kale oo lagu waydaa in lasii daayo 2 qof oo kale oo kala ah haweenay xaas u ahayd mid ka mid ah taliyayaashii ciidanka Somaliland iyo wiil yar oo 16-jir ah, sida aannu xogta ku hayno.

”Hay’adda ICRC iyo Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa fududeeyey laba in 2 maxbuus laga soo daayo magaalada Laascaanood kuwaasoo shalay la geeyey Hargaysa, taasoo ah howl loo sameeyay arrimo bani’aadminnimo dartood.” ayay tiri Laanqayrta Cas.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee ICRC ayaa horay u sheegtay inay SSC hayaan ilaa 300 oo maxbuus oo Somaliland looga qabtay dagaalkii Goojacadde oo ahaa taliskii maamulkaa ugu waynaa gobolka Sool & Maraaga.

Hadalsame Media