”Muxuu ahaa?” – Kuuriyada Woqooyi oo aroortii ridday gantaal noociisa la garan la’yahay

0

(Seoul) 13 Sebt 2023Abaanduulka Guud ee Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa ogaaday in ugu yaraan hal gantaal oo lagasoo riday Kuuriyada Wqoooyi loo jiheeyey dhanka Badda Japan subaxnimadii Arbacadan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Kuuriyada Woqooyi ayaa la sheegay inay samaysay tijaabo kale oo gantaal ah sida ay sheegeen saraakiil ku sugan caasimadda Seoul, kuwaasoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah iyadoo la sugayo hubinta jihada uu maray gantaalka oo weli la garan la’yahay noociisa, waloow loo badiyey inuu baalistig yahay.

Wasaaradda Difaaca Japan ayaa sheegtay in gantaalku horraanba “ay u badan yahay inuu badda ku dhacay” balse Ilaalada Xeebaha ayaa weli ku boorrinaya maraakiibta aaggaasi inay iska jiraan waxyaabaha firir ah oo soo dhici kara, sida ay sheegtay AP.

Kim Jong-un ayaa hadda booqanaya Ruushka, xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gacanka Kuuriya, taasoo laga qiyaasi karo gantaalaka ay ridayso Pyongyang iyo sidoo kale dhoollatus millateri oo ay ka qaybqaadanayaan ciidamada Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanku.

Hadalsame Media